News

Tartankii Ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Bari Oo Maalintii Labaad Galay+Sawiro

deg ball (4)

Tartankii ciyaaraha kubada cagta ee degmooyinka gobolka bari ayaa si habsami leh uga socda garoonka kubada cagta ee magaalada boosaaso tartankaasoo u dhaxeeya degmooyin gaaraya 13 degmo iyadoo maalintii labaad la guda galay.

Tartankan oo loo qaybiyay 3 garuub ayaa waxaa ay kala yihiin degmooyinka gobolka bari iyo degmada waaciye ee gobolka karkaar oo lagu marti qaaday ciyaarahan ka socda magaalada Boosaaso.

Ugu horayntii waxaa lagu furay 26 Apriil Degmada Boosaaso oo marti galinaysa iyo degmada gumbax oo isku guruub ah waxayna ku kala baxeen 2 iyo 1 ay guushii ku raacday degmada gumbax.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 27 Apriil ayaa waxaa fooda is galiyay degmooyinka waaciye iyo caluula oo iyaguna isku guruub ah labadan kooxood ayaa qaybtii hore ku kala nastay o iyo o balse qaybtii dambe ayaa kooxda ku ciyaaraysa magaca degmada waaciye ay ka faaiidaysteen weerar badan oo ay qaadeen waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 2 iyo 0 oo ay guushii ku raacday degmada waaciye.

Sawiro




 Maxamed Cali Iimaan
SBC International Garoowe

 

 

 

2 Comments

  1. waciye@hotmail.com

    guuuuuuuuuul an leyhey lacaibinta waciye uso hoyotey weyeeeeeeeeen masha lah dad ala

  2. GALLAD

    WAXAAN TAAGEERU U AHAY XULKA QAW BADERSIYADA

Leave a Reply

SBC is a registered trademark for Somali Broadcasting Corporation, Ltd.