Caawa oo ay Bisha ramadaan tahay Labo Xarunta Warbaahinta SBC International ee Boosaaso waxaa si rasmi ah uga furmi doona Tartanka Xaafadaha Kediska Ramdaanka SBC ee ay Wargaaintani u qabato Xaafadaha ku yaala Deegaanada Puntland.
Qaban qaabada Xaflad xariga loogaga jarayo Tartankan Kediska ayaa ka socoya Xarunta Warbaahinta SBC ee Boosaaso, waxaana caawa ku kulmaya oo lagu furi doonaa Tartanka 4 xaafadood oo ka mid ah 24ka xaafadood ee sanadkan ka qeyb galaya .
Maanta Gelinkii hore ayaa waxaa soo gaba gaboobay kulamo maalmihii ugu dambeeyay u soconayay gudiga Kediska Ramdaanka SBC, Maamulka Idaacada iyo weliba Gudoomiye yaasha xaafadaha Tartamaya iyadoona lagu dhaariyay kulankaasi Gudoomiye yaasha xaafadaha, Gudiga iyo Maamulka SBC.
Caawa Xaafadaha Ku kulmaya Tartanka ugu horeeyana uu dhexmarayo waxa ay kala yihiin
Xaafadaha, Xorgoble Qardho Vs Laanbarwaaqo Uffeyn
New Boosaaso Boosaaso Vs Rixiis Boosaaso