Kuala Lumpur:-Xukuumadda Malaysia ayaa martigelinaysa taranka caalamiga Qur’aanka Kariimka oo maanta ka furmaya magaalada Kuala Lumpur ee xarunta dalkaas , kaasi oo ay ka soo qeyb galayaan 50 xaafidil Qur’aan oo kakala socota 50 dowladood.

Taratankan oo noqon doono kii 53aad ayaa waxaa lagu qaban doonaa xarunta ganacsiga caalamiga ee Ku taala magaalada Kuala Lumpur.

Hal ku dhiga tartanka sanadkan ayaa ah “ is fahanka waa aasaaska midowga ummadda Islaamka”.

Tartanka oo ah mid  sanadkasta uu qaban qaabiyo boqorka Malaysia ninka lagu magcaabo Miisaan Zeynal Caabidiin ayaa waxaa la filayaa in  uu ka qeyb geli doono ra’iisal wasaaraha Malaysia Najiib C/risaaq iyo kuxigeenkiisa Muxiyadiin Yaasiin iyo qaar kamid ah wasiirada.

Dowladda Malaysia ayaa mudnaan gaar ah siisa qabashada tartankan sanadkasta iyadoo uga dan leh xoojinta walaaltinimada u dhexeysa shucuubta Islaamiga iyo horumarka umadda Islaamka.

Qiimaha abaalmarinta kaalinta koowaad ayaa ah sanadkan lacag dhan 32 kun oo Ringit lacagta Malaysia oo u dhiganta toddobo kun lix boqol iyo afartan iyo laba dollar oo lacagta mareykanka ah iyo hadyado xusuus ah iyadoo ay sii dheertahay shahaadooyin la siinayo ka qeyb galayaasha tartanka caalamiga ee xifdinta Qur’aanka Kariimka.

Sidoo kale kaalinta labaad ayaa waxaa la siin doonaa toddobo kun afar boqol iyo afartan iyo saddex dollar halka kaalinta saddexaad uu qaadan doono afar kun shan boqol iyo sagaal iyo toban dollar.

 

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring