Xifdinta qur’aan aqriska oo ay ku tarta mayeen 22 arday oo ka kala socday dugsiyada qur’aanka kariimka magaalooyinka ayaa waxaa uu maanta ku soo gebageboobay Masjidka Al-hudaa ee magaalada Garoowe tartan kaan oo ay maal gilinaysay shirkada isgaarsiinta soomaaliyeed ee golis iyadoona ay ka qaateen 12 magaallo oo puntlan deegaanadeeda ah.

Tartankaan ayaa waxaa uu ardayda u soconayay laba maalmood oo uu ugu socday masjidka alhudaa ee magaalada garoowe waxaana ay ardayda ku tartamayeen 30ka jus  ee qur’aan ka kariimka ah iyi 10ka jus ee qur’aan ka kariimka ah.

Xafladaas oo lagu soo xirayay qur’aan aqriska ayaa  waxaa ay ka dhacday gudaha masjid ka al hudaa ee magaalada garoowe  gunaanadkii tartan ka ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Cadaalada Puntland culimaa udiinka gobolka macalimiinta dugsiyada qur’aanka iyo gudiyada tartanka iyadoona aysan waalidiintu ka  marneen  oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen gabagabadii xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay hadiyadihii la gudoosiin la haa arday dii gashay kaalimah kuwaad, labaad iyo saddexaad oo ay gudoonsiinaysay hadiyadahaasi shirkada isgaarsiinta golis faraceeda magaalada garoowe .

iyadoona hadiyadaha sanadkaani uu ka qaybqaatay maamulka puntland gaar ahaan madaxweynaha puntland c/raxmaan sheekh maxamed maxamuud faroolle.

Sida uu xaflada ka sheegay gudoomiyaha gudiga tartanka qur’aanka kariimka sheekh c/raxmaan Awciise oo ugu mahad celiyay dowlada puntland oo sanad kaan ka qayb qaadatay tartanka qur’aan aqriska oo sanadkaan lagu qabtay magaalada garoowe,xaflada oo ahayd mid aad u balaaran ardaydana hadiyado qaali ah lagu godoosiinayay aradayda gashay kaalimaha kuwaad labaad iyo saddexaad la sii nayay.

Wasiirka wasaarada Diinta iyo cadaalada puntland Cabdi Khaliif xaaji ajaajo oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qabgalay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin In Aradayda lagu tartan siiyo xifdinta qur’aanka kariimka waxuuna ku ladardaarmay aradayda inay sii wadaan xifdinta qur’aanka waxuuna u mahad celiyay macalimiintii wax soo bartay ardayda iyo gudigii soo qaban qaabiyay tartanka, Sidoo kale Wasiirka Diinta wuxuu si aad ah ula dar daarmay  Macalimiinta iyagoo u sheegay in Dilka uu  yahay Mid niyad jab ku keenaaya ardayda Dugsiyada Qur’aanka .

Sidookale gudoomiyaha gudiga BODGA shirkada isgaar siinta golis faraceeda magaalada garoowe  cabdi casiis guure ayaa dhankiisa sheegay in ay golis ahaan ay ku faraxsan yihiin waxuuna sidoo kale kula dardaarmay ardayda oo ku booriyay inayb sii wadaan aqrinta qur’aanka kariimka qowlka eebe.

Ugu dambaytiina waxaa gudiga tartanka qur’aan aqriska sodanka jus ee qur’aanka kariimka uu ku dhawaaqay natiijada tartanka ee kaalimaha kuwaad labaad iyo saddexaad ee tartanka

Waxaana kaalinta kuwaad ee tartanka qur’aan aqriska sodonka jus.galay Arday ka socday magaalada qardho ee gobolka karkaar oo magaciisa layiraahdo
1:maxamuud cabdi raxmaan samatar oo ku guulaystay 97%

waxaana Kaalinta labaad ee tartanka qur’aan aqriska sodonka jus waxaa galay aradayga ka socday magaalada ufayn Ee Gobolka Bari  oo lagu magacaabo
2:xudayfe Iimaan yuusuf oo ku guulaystay tartanka qur’aan aqriska 96.5%

Kaalinta ugu dambaysana ee kaalinta saddexaad waxaa galay Arday ka socday magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari oo lagu magacaabo
3:cumar cismaan macalin oo ku guulaystay 95.5%

Ijaasooyinkii La gudoonsiiyay Ardayda kala  gashay kaalimaha 1aad,2aad iyo  3aad Waxaana ardaygii galay kaalinta kuwaad galay ayaa waxaa  abaal marin loo siiyay lagac tiradeeda ahayd 1000$ iyo mobayl iyo waliba waxyaabo kale sidoo kale  Iyo Masxaf Qur’anka  Kariimka ah oo ELECTRONIC ah  Ardaygii soo galay kaalinta labaad ayaa waxaa isagana abaal marin loo sii yay  lagac tiradeeda ahaa 700$ oo doolar iyo mobayl iyo waliba waxyaabo kale kaalinta ugu dambaysay ee tartanka ayaa waxaa abaal marin loo sii yay  isagana lagac cadadkeeda ahaa 700$oo doolar mobayl iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale Waxaa Qaybtii labaad Ee Tartanka Qur’aanka Kariimka 10ka jus loogu dhawaaqay natiijooyinkooda kaalimaha 1aad,  2aad iyo 3aad Galay Ardayda Magacyadooda ay Kala ahaayeen  waxaana kaalinta kuwad galay
1:cabdi kariin cali cismaan oo ku guulaystay 97.5% oo ka socday waaciya ee gobolka bari
kaalinta labaad ee tartanka qur’aan aqriska kaalinta labaad ee toban ka jus waxaa galay ardayka socday magaalada boosaaso ee gobolka bari oo lagu magacaabo
2:meecaad maxamed khaliif oo ku guulaystay 96.5%
siadoo kale kaalinta saddexaad ee tartanka qur’aanka waxaa galay araday ka socday magaalada qrdho ee gobolka karkaar oo lagu magacaabo
3:cabdikariin Bader Xabiibi oo ku guulaystay 95.5%
waxaana tartan ka uu ahaa mid si wanaagsan ku soo gabagboobay iydoona uu tartan kaan haa mid labad maalin socday gudiga ayaa waxaa sheegaan in ay ku raja weyn yihiin insanadada dambe ay tartamada intaasi ka sii barlaaran doonaan
iskastaba tartanmada noocaan ah ay dhaacaan bisha ramadaan sanad kaste.

DAAWO SAWIRADA

Cabdicasiis Ibraahim Axmed
SBC International Garoowe