Waxaa soo gaba gaboobay Barnaamijka Kediska Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee ay SBC international ku tar tansiiso xaafadaha Deegaanada Puntland.

Caawa waxaa qeybtii hore Fooda isku daray xaafadaha kala ah Raf iyo Raaxo Boosaaso iyo xaafada Onkod oo ka mid ah Xaafadaha sanadkan ku cusub Kediska SBC waxayna ku taala Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal.

Waxaa dhexmaray labadaasi xaafadood tartan aqooneed aad u xiisobadan, waxaana ay ugu dambeyntii ku soo dhamaatay oo ayna guushu raacday xaafada Onkod Dangorayo  iyadoo la timi dhibco dhan 15, halka xaafada Raf iyo Raaxo Boosaaso ay la timo 13 dhibic

Waxaa sidoo kale caawa wada tar tarmay labada xaafadood ee kale, oo kala ahaa xaafada 1da Luulyo Boosaaso oo ku taala Magaalada Boosaaso iyo Xaafada XaafatulCarab Boosaaso.

Labadaasi xaafadood ayaa soo bandhigay tartan xiiso badan, waxaana ugu dambeyntii tartankooda labadaasi xaafadood uu ku soo dhamaaday guushiina ay ku raacday xaafada 1daluulyo  iyadoo la timi dhibco dhan 15 halka ay Xaafatul Carab ay la timi 13 Dhibic.

Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com