Waxaa soo gaba gaboobay kulamadii Barnaamijka Kediska Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee caawa kaas oo ay SBC international ku tar tansiiso xaafadaha Deegaanada Puntland.

Caawa waxaa qeybtii hore Fooda isku daray Tartanka xaafadaha kala ah New Dhahar oo Degmada Dhahar ee gobolka Haylan ah iyo Xaafada Qoryacad oo Magaalada Qardho ah.

Waxaa dhexmaray labadaasi xaafadood tartan aqooneed aad u xiisobadan, waxaana ay ugu dambeyntii ku soo dhamaatay oo ayna guushu raacday xaafada Qoryacad ee Qardho  iyadoo la timi dhibco dhan 15, halka xaafada New Dhahar ay la timo 13 dhibic

Tartanka Kediska SBC ay qabato Bisha ramadaan waxa uu noqday  mid siweyn ay u xiiseeyaan uguna xisaabtamaan dhageysigiisa dadweynaha Deegaanada Puntland, waxaana habeen walba ku kulma 4 xaafadood oo min labo u wada tartama iyagoo la weydiinayo Su’aalo noocwalba leh, waxayna u kala qaataan min 8 Su’aal, halkaas oo ay ka soo baxdo Natiijada Dhibcaha ah, iyadoona 1kii Su’aal ay tahay 2 Dhibic, Hadii ay tahay mid laga faa iideysanayo ama soo dhaaftay xaafadii laheyd ay noqoneyso 1 dhibic.

Waxaa sidoo kale caawa wada tartarmay labada xaafadood ee kale, oo kala ahaa xaafada Xingood oo Qardho ka tirsan iyo Xaafada Horseed Garoowe.

Labadaasi xaafadood ayaa soo bandhigay tartan xiiso leh, waxaana ugu dambeyntii tartankooda labadaasi xaafadood uu ku soo dhamaaday guushiina ay ku raacday xaafada Xingood Qarsdho   iyadoo la timi dhibco dhan 16 halka ay Hoseed Garoowe ay la timi 14 Dhibic.

Wareegani waa wareegii labaad ee is araga Xaafadaha.

Waxaa Xusid iyo Xusuusinba mudan in Barnaamijkan Tartan Aqooneedka ah ee ay SBC International Sanad walba Bisha Ramadaan u Qabato Xaafadaha Deegaanada Puntland ay si joogto ah Maalgelin ugu sameyso Shirkada Isgaarsiinta Geyigeena ee Golis Telecom Soomaalia, Golis Waa Wehelka Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC, Golis Hanoolaato!.

      Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com