Waxaa soo gaba gaboobay kulamadii Barnaamijka Kediska Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee caawa kaas oo ay SBC international ku tar tansiiso xaafadaha Deegaanada Puntland.

Caawa waxaa qeybtii hore Fooda isku daray Tartanka xaafadaha kala ah Onkod oo Dangoranyo ah iyo Wadajir oo Garoowe ah.

Waxaa dhexmaray labadaasi xaafadood tartan aqooneed aad u xiisobadan, waxaana ay ugu dambeyntii ku soo dhamaatay oo ayna guushu raacday xaafada WADAJIR GAROOWE  iyadoo la timi dhibco dhan 15, halka xaafada Onkod Dangoranyo ay la timo 12 dhibic

Waxaa sidoo kale caawa wada tartarmay labada xaafadood ee kale, oo kala ahaa xaafada Hantiwadaag oo Garoowe ah iyo Xaafada XaafatulCarab Boosaaso.

Labadaasi xaafadood ayaa soo bandhigay tartan xiiso leh, waxaana ugu dambeyntii tartankooda labadaasi xaafadood uu ku soo dhamaaday guushiina ay ku raacday xaafada Hantiwadaag Garoowe  iyadoo la timi dhibco dhan 16 halka ay Xaafatul Carab ay la timi 14 Dhibic.

Waxaa Xusid iyo Xusuusinba mudan in Barnaamijkan Tartan Aqooneedka ah ee ay SBC International Sanad walba Bisha Ramadaan u Qabato Xaafadaha Deegaanada Puntland ay si joogto ah Maalgelin ugu sameyso Shirkada Isgaarsiinta Geyigeena ee Golis Telecom Soomaalia, Golis Waa Wehelka Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC, Golis Hanoolaato!.

      Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com