Macalimiinta iyo maamulka Dugsiga hoose Dhexe ee Ugaas Yaasiin Ayaa maanta u soo afmeeray Ardayda wax ka barata Fasalada Dugiga dhexe Tartan mudo u soo soconayay oo ay isku arkayeen Groubyo ka wada tirsan fasalada dhexe .

Munasabad ka dhacday Xarunta Dugsiga ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan, Maamulka Sare ee Iskoolka, Macalimiinta iyo Warbaahinta.

Waxaa halkaasi ka dhacay Tartankii ugu dambeeyay Tartan aqooneedka kooxahaas isku ar arkayeen kaas oo dhexmaray Labada Koox ee kala watay magacyada Lixaad B-Group  D iyo Todobaad B-Group D.

Macalin Maxamed Siciid Geelle oo ka mid ah Macalimiinta Dugsiga Ugaasyaasiin ahna gudoomiyaha gudigii waday Tartan aqooneedkan ayaa sheegay in muhiimadu aheyd sidii Ardaydan ugu mashquuli lahaayeen Duruusti ay qaateen, taasna ay ku guuleysteen ka maamul ahaanna ay ku faraxsan yihiin heerka gaba gabada ah ee uu tartankan soo gaaray.

Waxaa bilowday Tartankii labada Koox waxaana la weydiiyay Koox walba Su’aalihii ay xaqqa u laheyd taas oo sababtay in koox ka mid ah labada koox ay garan weydo Su’aal la weydiiyay taas oo guushii loogaga qaaday.

Maamulka Iskoolka ayaa ku dhawaaqay Kooxda Guushu raacday isagoo sheegay in kooxda 6aad B-Group    D ay guushii raacday kaalinta labaadna ay soo gashay Kooxda ka socotay Fasalka 7aad/B-Group   D.

Maamulaha Guud ee Iskoolka Ugaas Yaasiin maxamed Ciise Cusmaan ayaa soo afjaray Xaflada gudoonsiiyayna koob qurux badan ardayda mataleysay fasalka 6aad B-Group   D.

DSC08992  DSC09032 DSC09036 DSC09087

SBC International Boosaaso.