Xaflad Xariga looga jaray Furitaanka Tartan Aqooneedka Kediska Ramadaan ee SBC ayaa waxa ay Caawa ka dhacday Xarunta Warbaahinta SBC waxaana ka soo qeyglay Masuuliyiinta Hayda Warbaahinta SOomaaliyeed ee SBC & Masuuliyiinta Shirkada Golis Iyadoo uu si rasmi ah xariga uga jray Duq ku xigeenka Magaalada Boosaaso C/qaadir Daahir Yuusuf

Ugu horeyn waxaa Munaasabada Furitaanka ka hadlay Agaasimaha Idaacada SBC Maxamed-Deeq Cabdalla oo sheegay in Muhiimada Idaacada Ay u qabato tartankan ay tahay in bulshada Looga faaiideyo Bishan Barakeysan ee ramadaan sidii ay aqoon isku dhaafsan lahaayeen islamarkaasina Loo sameyn lahaa is dhexgalka Bulshada Qeybaheeda gaar ahaan dhalinyarada oo ah jiilka Beri.

“Muhiimada SBC ee Barnaamijkan ayaa ah in Idaacada ay dhalinyarada ay ku jiheyso inay Aqoonta & Cilmiga Saxib la noqdaan oo ay ka kacaan Goobaha fadhi ku Dirirada & Goobaha aan Muhiimka ah, sidoo kale waa barnaamij ay bulshada Uga masaxeyno Qabiil IWM.”

Agasimaha Ayaa xusay in Tartanka ay ka qeybgalayaan 24 xaafadood oo ka tirsan Xaafadaha Deegaanada Puntland kuwaasi oo ku tartamaya Aqoontooda  waxaana habeenkasta Tartamaya 4 Xaafadood oo min laba u taratamaya

Maxamed Deeq ayaa waxaa uu docda kale u mahadceliyay Guud ahaan ka qeybgalayaasha tartanka ee Sannadkan & Shirkada Isgaarsiinta Golis Telcom oo ah shirkada Bixinaysa Dhaqaalaha Ku baxaya Kediska Ramadaanka SBC.

Dhinaca kale C/raxmaan C/laahi Jaamaca (Dayax) oo ah ku xigeenka Madaxa Suuqgeynta ee Shirkada Golis ayaa ka hadlay Furitaanka Barnaamijka isaga oo sheegay in ka shirkad ahaan barnaamijkan ay u qabteen in Macaamiishooda ay kala qeybgalaan Tartamada & Barnaamijyada Muhiimka ah ee faaiidada u leh Bulshada.

Ugu danbeyn waxaa Xaflada si rasmi ah u furay Duq ku xigeenka Magaalada Boosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir oo sheegay in Muhiimad gaar ah uu u leeyahay Barnaamijkan Guud ahaanba shacabka Qeybihiisa gaar ahaan dhalinyarada & Inta Cilmiga jecel

“Maamul ahaan anigu waxaan aad ugu riyaaqsanahay Barnaamijkan ay sannad walba qabato warbaahinta SBC waa barnaamij Xiiso geliya dhalinta & Bulshada waa barnaamij Mashquuliya Dhalintarada waana ku amaaneynaa Shirkada SBC & Golis oo barnaamijka iska kaashada ”

Intaasi ka dib waxaa tartanka lagu furay Xaafadaha Laanta Hawada Boosaaso & Xaafada Waaberi Garoowe kuwaasi oo gabagabadii ku kala baxay 14 dhibcood oo ay la timid Xaafada Laanta Hawada & Xaafada Waberi Garoowe oo heshay 9 dhibcood.

Waxaa qeybtii Dambe iyana Tartamay Xaafadaha Rixiis Boosaaso Vs Xorgobleh waxayna ku soo gaba gabowday 18 Xorgoble ah iyo 8 Rixiis ah

SBC International  Monitoring