Caawa Bisha ramadaan waa 9 Kediska Ramadaanka SBC ee ay ku tartamaan xaafadahana waxa uu guda galay habeenkii 8daad waxaana caawa ku tartamay 4 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee ka qeyb galay tartanka Kediska SBC .

Tartamada Dhexmaray Xaafadahan ayaa ahaa kuwo aad u adag waxaana ugu dambeyntii ay ku kala bexeen natiijooyin aad iugu dhow, waxaana tartamadan ay ka mid yihiin wareega labaad ee is araga xaafadaha.

Qeybtii hore ee Tartanka ayaa waxaa ay dhexmartay Xaafadaha  Golis baran Vs Booxaaro Sheerbi oo iyagu ku kala baxay guushiina ay ku raacday Xaafada Booxaaro Sheerbi oo la timid 13 dhibic halka xaafadaha kale ee Baran ay la timid 12.

Wareegii labaad ayaa waxaa wada tartamay xaafadaha kala ah Biya kulule, Boosaaso Vs Cakaara Xingalool, waxaana ka dib tartankooda ay guushii raacday xaafada Biyakulule Boosaaso oo la timid 15 halka Cakaara ay la timid 12 dhibic.

Habeen dambe waxaa wada tartami doona xaafadaha kala ah qeybta hore ee tartanka Xaafadaha Goljano Waaciye Vs Horseed Carmo , halka qeybta dambena ay ku kulmi doonaan 26da June Boosaaso Vs Baalade Boosaaso,