Tartamada Xaafadaha Kediska SBC ee Caawa 8da Ramadaan

Caawa Bisha ramadaan waa 8 Kediska Ramadaanka SBC ee ay ku tartamaan xaafadahana waxa uu guda galay habeenkii 7aad waxaana caawa ku tartamay 4 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee ka qeyb galay tartanka Kediska SBC .

Tartamada Dhexmaray Xaafadahan ayaa ahaa kuwo aad u adag waxaana ugu dambeyntii ay ku kala bexeen natiijooyin aad iugu dhow, waxaana tartamadan ay ka mid yihiin wareega labaad ee is araga xaafadaha.

Qeybtii hore ee Tartanka ayaa waxaa ay dhexmartay Xaafadaha  Xorgoble Qardho Vs Onkod Dangorayo oo iyagu ku kala baxay guushiina ay ku raacday Xaafada Xorgoble Qardho oo la timid 16 dhibic halka xaafadaha kale ee Dangorayo ay la timid 12.

Wareegii labaad ayaa waxaa wada tartamay xaafadaha kala ah New Boosaaso, Boosaaso Vs Qoryacad Qardho, waxaana ka dib tartankooda ay guushii raacday xaafada New Boosaaso oo la timid 13 halka Qoryacad ay la timid 12 dhibic.

Habeen dambe waxaa wada tartami doona xaafadaha kala ah qeybta hore ee tartanka Xaafadaha Golis baran Vs Booxaaro Sheerbi waa qeybta hore, halka qeybta dambena ay ku kulmi doonaan Biya Kulule Boosaaso Vs Cakaara Xingalool,

Daalacatey :974

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print