Caawa Bisha ramadaan waa 7 Kediska Ramadaanka SBC ee ay ku tartamaan xaafadahana waxa uu guda galay habeenkii 6aad waxaana caawa ku tartamay 4 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee ka qeyb galay tartanka Kediska SBC .
Tartamada Dhexmaray Xaafadahan ayaa ahaa kuwo aad u adag waxaana ugu dambeyntii ay ku kala bexeen natiijooyin aad iugu dhow.
Qeybtii hore ee Tartanka ayaa waxaa ay dhexmartay Xaafadaha Horseed Carmo Vs Shimbiraale Qardho oo iyagu ku kala baxay guushiina ay ku raacday Xaafada Horseed Carmo oo la timid 15 dhibic halka xaafada kale ee Qardho ay la timid 10.
Wareegii labaad ayaa waxaa wada tartamay xaafadaha kala ah Xingood Qardho Vs Baalade Boosaaso, waxaana ka dib tartankooda ay guushii raacday xaafada Xingood Qardho oo la timid dhibco dhan 17 halka Baalade ay la timid 14 dhibic.
Caawa Waxaa halkaasi ku soo dhamaaday wareegii hore ee is ar araga xaafadaha Tartanka Kediska Ramadaanka SBC waxaana habeen dambe loo guda geli doonaa wareega labaad ee is ar araga xaafadaha oo ay ugu soo horeeyaan 4ta xaafadood ee kala ah.
Xaafada Xorgoble Qardho Vs Xaafada Onkod Dangoranyo, waa qeybta hore, waxaana qeybta dambe wada tartami doona Xaafada Qoryacad Qardho Vs Xaafada New Bosaso Boosaaso.
Daalacatey :693