Caawa Bisha ramadaan waa 19 Kediska Ramadaanka SBC ee ay ku tartamaan xaafadahana waxa uu guda galay habeenkii 18daad waxaana caawa ku tartamay 4 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee ka qeyb galay tartanka Kediska SBC .

Tartamada Dhexmaray Xaafadahan ayaa ahaa kuwo aad u adag waxaana ugu dambeyntii ay ku kala bexeen natiijooyin aad isugu dhow, waxaana tartamadan ka mid yihiin wareega 3aad ee is araga xaafadaha.

Qeybtii hore ee Tartanka ayaa waxaa ay dhexmartay Xaafadaha Shimbiraale Qardho Vs Goljano Waaciye oo iyagu ku kala baxay guushiina ay ku raacday Xaafada Shimbiraale Qardho oo la timid 18 dhibic halka xaafada kale ee Goljano ay la timid 12.

Wareegii labaad ayaa waxaa caawa wada tartamay xaafadaha kala ah  26-june boosaaso Vs Xingood Qardho , waxaana ka dib tartankooda ay guushii raacday xaafada 26-da June oo la timid 13 halka Xingood ay latimid 12 dhibic..

Waxaa halkaas caawa ku soo gaba gaboobay is ar aragii 3aad ee Xaafadaha Tartanka kediska.