Caawa Bisha ramadaan waa 18Kediska Ramadaanka SBC ee ay ku tartamaan xaafadahana waxa uu guda galay habeenkii 17 waxaana caawa ku tartamay 4 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee ka qeyb galay tartanka Kediska SBC Waxana ku jiray Tartanka Sanadka ee kediska kaas oo loogu magacdaray El Classico, waa Laanta Hawada Vs Biyo kulule.
Tartamada Dhexmaray Xaafadahan ayaa ahaa kuwo aad u adag waxaana ugu dambeyntii ay ku kala bexeen natiijooyin aad iugu dhow, waxaana tartamadanay ka mid yihiin wareega labaad ee is araga xaafadaha.
Qeybtii hore ee Tartanka ayaa waxaa ay dhexmartay Xaafadaha Kaambo Qardho Vs Booxaaro Sheerbi oo iyagu ku kala baxay guushiina ay ku raacday Xaafada Kaambo Qardho oo la timid 13 dhibic halka xaafada kale ee Booxaaro ay la timid 9.
Wareegii labaad ayaa waxaa caawa wada tartamay xaafadaha kala ah Laanta hawada Boosaaso Vs Biya kulule Boosaaso, waxaana ka dib tartankooda ay guushii raacday xaafada Laanta hawada Boosaaso oo la timid 15 halka Biyakulule Boosaaso ay la timid 10 dhibic.
Habeen dambe waxaa Tartamo doona Xaafadaha kala ah Shimbiraale Qardho Vs Goljano Waaciye halka tartanka kalena uu dhexmari doono xaafada Ex Ridwaan 26-ka June Boosaaso Vs Xingood Qardho.
Daalacatey :565