Tartamada Xaafadaha Kediska SBC ee Caawa 17ka Ramadaan

Caawa Bisha ramadaan waa 17Kediska Ramadaanka SBC ee ay ku tartamaan xaafadahana waxa uu guda galay habeenkii 16ka waxaana caawa ku tartamay 4 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee ka qeyb galay tartanka Kediska SBC .

Tartamada Dhexmaray Xaafadahan ayaa ahaa kuwo aad u adag waxaana ugu dambeyntii ay ku kala bexeen natiijooyin aad iugu dhow, waxaana tartamadanay ka mid yihiin wareega labaad ee is araga xaafadaha.

Qeybtii hore ee Tartanka ayaa waxaa ay dhexmartay Xaafadaha Xorgoble Qardho  Vs 1da Luulyo Boosaaso oo iyagu ku kala baxay guushiina ay ku raacday Xaafada Borgoble Qardho oo la timid 10 dhibic halka xaafadaha kale ee 1da lulyo ay la timid 8.

Wareegii labaad ayaa waxaa caawa wada tartamay xaafadaha kala ah  New Boosaaso Vs Xaafatul Carab Boosaaso, waxaana ka dib tartankooda ay guushii raacday xaafada New Boosaaso oo la timid 12 halka  Xaafatul carab Boosaaso ay la timid 8 dhibic.

Habeen dambe waxaa jira Tartamo aad u xiiso badan oo siweyn loo wada sugayo waxaana ay kala yihiin xaafadaha tartami doona haduu alle idmo Booxaaro Sheerbi Vs Kaambo Qardho , halka qeybta kalena ay tahay Habeen Dambe Tartan Classico ah ayna isku arki doonaan Laanta Hawada Boosaaso Vs Biyo kulule Boosaaso.

 

Daalacatey :562

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print