Caawa Bisha ramadaan waa 16 Kediska Ramadaanka SBC ee ay ku tartamaan xaafadahana waxa uu guda galay habeenkii 15naad waxaana caawa ku tartamay 4 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee ka qeyb galay tartanka Kediska SBC .

Tartamada Dhexmaray Xaafadahan ayaa ahaa kuwo aad u adag waxaana ugu dambeyntii ay ku kala bexeen natiijooyin aad isugu dhow, waxaana tartamadan ka mid yihiin wareega 3aad ee is araga xaafadaha.

Qeybtii hore ee Tartanka ayaa waxaa ay dhexmartay Xaafadaha Horseed Carmo Vs  Raf iyo Raaxo boosaaso oo iyagu ku kala baxay guushiina ay ku raacday Xaafada Raf iyo raaxo Boosaaso oo la timid 14 dhibic halka xaafada kale ee Casrmo ay la timid 10.

Wareegii labaad ayaa waxaa caawa wada tartamay xaafadaha kala ah  Iftin Baran Vs Baalade Boosaaso , waxaana ka dib tartankooda ay guushii raacday xaafada Iftin Baran oo la timid 11 halka  Baalade ay latimid 8 dhibic..

Habeen dambe waxaa jira Tartamo aad u xiiso badan oo siweyn loo wada sugayo waxaana ay kala yihiin xaafadaha tartami doona haduu alle idmo, Xorgoble Qardho Vs 1da Lulyo, iyo Xaafatul carab Boosaaso Vs New Boosaaso.

Waxaa xusid Mudan Habeen Hore oo uu Ramadaan Ahaa 15 Waxaa wada tar tamay 2 xaafadood oo ka mid ah 4tii Xaafad ee Tartami laheyd, halka xaafadaha kale ee 2da ahna ay mid ka mid ahi heshai Forfait

Labada Xaafadood ee Tartamay ayaa waxay kala ahaayeen Xaafada Xaafatul Carab burtinle Vs golis Baran, waxaana ay guushii raacday Xaafada Xaafatul Carab burtinle, halka xaafada heshay forfait kana ay aheyd Cakaara oo Degmada Xingalool ah ka dib markii ay soo xaadiriweyday Xaafada Israac oo tartanka ku qorneyd.