Caawa Bisha ramadaan waa 14Kediska Ramadaanka SBC ee ay ku tartamaan xaafadahana waxa uu guda galay habeenkii 13ka waxaana caawa ku tartamay 4 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee ka qeyb galay tartanka Kediska SBC .
Tartamada Dhexmaray Xaafadahan ayaa ahaa kuwo aad u adag waxaana ugu dambeyntii ay ku kala bexeen natiijooyin aad iugu dhow, waxaana tartamadanay ka mid yihiin wareega 3aad ee is araga xaafadaha.
Qeybtii hore ee Tartanka ayaa waxaa ay dhexmartay Xaafadaha Laanbarwaaqo Ufeyn Vs Onkod Dangoranyo oo iyagu ku kala baxay guushiina ay ku raacday Xaafada Laanbarwaaqo Ufeyn oo la timid 15 dhibic halka xaafadaha kale ee Danguranyi ay la timid 12.
Wareegii labaad ayaa waxaa caawa wada tartamay xaafadaha kala ah raxiis Boosaaso Vs Qoryacad Qardho, waxaana ka dib tartankooda ay ku dhamaatay Bar bar dhac 16-16 oo ma jirin wax su’aalo ah oo ay garan waayeen.
Habeen dambe waxaa jira Tartamo aad u xiiso badan oo siweyn loo wada sugayo waxaana ay kala yihiin xaafadaha tartami doona haduu alle idmo Xaafatul Carab burtinle Vs golis Baran, halka qeybta kalena ay tartami doonaan Cakaara Xingalool Vs Israac Gaalkacyo.
Daalacatey :785