Caawa Bisha ramadaan waa 13Kediska Ramadaanka SBC ee ay ku tartamaan xaafadahana waxa uu guda galay habeenkii 12ka waxaana caawa ku tartamay 4 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee ka qeyb galay tartanka Kediska SBC .
Tartamada Dhexmaray Xaafadahan ayaa ahaa kuwo aad u adag waxaana ugu dambeyntii ay ku kala bexeen natiijooyin aad iugu dhow, waxaana tartamadanay ka mid yihiin wareega labaad ee is araga xaafadaha.
Qeybtii hore ee Tartanka ayaa waxaa ay dhexmartay Xaafadaha Raf iyo Raaxo Boosaaso Vs Shimbiraale Qardho oo iyagu ku kala baxay guushiina ay ku raacday Xaafada Raf iyo raaxo Boosaaso oo la timid 16 dhibic halka xaafadaha kale ee Shimbiraale Qardho ay la timid 14.
Wareegii labaad ayaa waxaa caawa wada tartamay xaafadaha kala ah Iftin Baran Vs Xingood Qardho, waxaana ka dib tartankooda ay guushii raacday xaafada Iftin Baran oo la timid 17 halka Xingood Qardho ay la timid 12 dhibic.
Habeen dambe waxaa jira Tartamo aad u xiiso badan oo siweyn loo wada sugayo waxaana ay kala yihiin xaafadaha tartami doona haduu alle idmo Laanbarwaaqo Ufeyn Vs Onkod Dangoranyo, halka qeybta kalena ay tartami doonaan Rixiis Boosaaso Vs Qoryacad Qardho.
Daalacatey :609