Caawa Bisha ramadaan waa 12 Kediska Ramadaanka SBC ee ay ku tartamaan xaafadahana waxa uu guda galay habeenkii 11ka waxaana caawa ku tartamay 2 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee ka qeyb galay tartanka Kediska SBC .

Tartamada Dhexmaray Xaafadahan ayaa ahaa kuwo aad u adag waxaana ugu dambeyntii ay ku kala bexeen natiijooyin aad isugu dhow, waxaana tartamadan ay ka mid yihiin wareega labaad ee is araga xaafadaha.

Qeybtii hore ee Tartanka ayaa waxaa ay dhexmartay Xaafadaha  Xaafatul Carab Burtinle Vs Kaambo Qardho, oo iyagu ku kala baxay guushiina ay ku raacday Xaafada Kaambo Qardho oo la timid 16 dhibic halka xaafada kale ee Xaafatul Carab Burtinle ay la timid 12.

Wareegii labaad ayaa waxaa caawa wada tartami lahaa xaafadaha kala ah Laanta Hawada Boosaaso Vs  Israac Gaalkacyo Balse Tartankaasi ayaa noqday mid aan qabsoomin maadaama ay soo xaadirtay xaafada Laanta hawada boosaaso oo qura halka xaafada kale ee Israac aanay soo xaadirin .

Gudiga kediska ayaa ku dhawaaaqay go’aanka ay ka qaateen kulanka dhexmari lahaa labadaasi xaafadood kaas oo ahaa Forfait  islamarkaana 16 dhibic ee tartankaasi lagu wareejiyay xaafada Laanta Hawada oo la tartami laheyd.

Habeen dambe waxaa jira Tartamo aad u xiiso badan oo siweyn loo wada sugayo waxaana ay kala yihiin xaafadaha tartami doona haduu alle idmo,