Caawa Bisha ramadaan waa 11 Kediska Ramadaanka SBC ee ay ku tartamaan xaafadahana waxa uu guda galay habeenkii 10ka waxaana caawa ku tartamay 4 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee ka qeyb galay tartanka Kediska SBC .

Tartamada Dhexmaray Xaafadahan ayaa ahaa kuwo aad u adag waxaana ugu dambeyntii ay ku kala bexeen natiijooyin aad iugu dhow, waxaana tartamadanay ka mid yihiin wareega labaad ee is araga xaafadaha.

Qeybtii hore ee Tartanka ayaa waxaa ay dhexmartay Xaafadaha  Laanbarwaaqo Ufeyn Vs 1da Luulyo Boosaaso oo iyagu ku kala baxay guushiina ay ku raacday Xaafada 1da Luulyo Boosaaso oo la timid 13 dhibic halka xaafadaha kale ee Laanbarwaaqo Ufeyn ay la timid 12.

Wareegii labaad ayaa waxaa caawa wada tartamay xaafadaha kala ah  Xaafatul Carab Boosaaso Vs Rixiis Boosaaso, waxaana ka dib tartankooda ay guushii raacday xaafada Xaafatul Carab Boosaaso oo la timid 14 halka Rixiis Boosaaso ay la timid 11 dhibic.

Habeen dambe waxaa jira Tartamo aad u xiiso badan oo siweyn loo wada sugayo waxaana ay kala yihiin xaafadaha tartami doona haduu alle idmo Xaafatul Carab Burtinle Vs Kaambo Qardho, halka qeybta kalena ay tartami doonaan Laanta Hawada Boosaaso Vs  Israac Gaalkacyo.