Caawa Bisha ramadaan waa 10 Kediska Ramadaanka SBC ee ay ku tartamaan xaafadahana waxa uu guda galay habeenkii 9ka waxaana caawa ku tartamay 4 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee ka qeyb galay tartanka Kediska SBC .

Tartamada Dhexmaray Xaafadahan ayaa ahaa kuwo aad u adag waxaana ugu dambeyntii ay ku kala bexeen natiijooyin aad iugu dhow, waxaana tartamadan ay ka mid yihiin wareega labaad ee is araga xaafadaha.

Qeybtii hore ee Tartanka ayaa waxaa ay dhexmartay Xaafadaha  Goljano Waaciye Vs Horseed Carmo oo iyagu ku kala baxay guushiina ay ku raacday Xaafada Goljano Waaciye oo la timid 18 dhibic halka xaafadaha kale ee Carmo ay la timid 10.

Wareegii labaad ayaa waxaa caawa wada tartamay xaafadaha kala ah Baalade, Boosaaso Vs 26ka juun Boosaaso, waxaana ka dib tartankooda ay guushii raacday xaafada Baalade Boosaaso oo la timid 14 halka 26-ka Juun ay la timid 13 dhibic.

Habeen dambe waxaa wada tartami doona xaafadaha kala ah qeybta hore ee tartanka Xaafadaha Laanbarwaaqo Ufeyn Vs 1da Luulyo Boosaaso , halka qeybta dambena ay ku kulmi doonaan Xaafatul Carab Boosaaso Vs Rixiis Boosaaso,