Tanina ma xuquuqda Haweenkaa?(Dumarka ilqabadka leh oo shaqadoodu halis ku jirto)

Hanaanka Dimuqraadiyada ee aduunka xiligan lala kufaa kacayo ee ay garyaheenka ka yihiin wadamada reer Galbeedka waxaa lagu san duleynayaa dalal badan oo ka mid ah waxa loo yaqaan Dunida sexaad, tiiyoo ay sii dheer tahay u durbaan tumidda dimuqraadiyada oo xiligan si weyn looga tumayo wadamada Islaamka.

Dimuqraadiyada oo ah xoog xiligan dunida awood badan ku yeeshay ayna dabeesheedu ruxayso meelo badna oo caalamka ka mid ah waxaa ka mid ah in xuquuqda dumarka la ilaaliyo, iyagoo qolyaha ay maankooda ka soo maxaatey hanaanka dimuqraadiyadu ay ku dhaliilayaan Islaamka in aanu siin xuquuqdii loo baahnaa dumarka, arintaasi oo ah eedeyn sal iyo baar aan laheyn oo lagu doonayo in maskaxda looga xado ummadaha Islaamka, iyadoo aynu ognahay in soo ifbixidii Nabigeenna Muxamed Nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee uu kaalin weyn ka qaatey sidii Islaamku u siin lahaa haweenka xuquuqdooda shakhsiyadeeda.

Tusaale ahaan Islaamka ka hor haweenku waxay ahaayeen kuwa duleysan oo xitaa nolasha lagu aasi jirey, laakiin wixii ka dambeeyey soo ifbixidii shulcada Islaamka waxaa hanaqaaday qayimka bulsho ee haweenku leeyihiin taasi oo ah mid ku cad Qur’aanka Kariimka ah sida ay inoo muujinayso Suurad dhameystiran oo ALLE Subxaanu Watacalaa uu kaga hadlayo Dumarka, suuradaasi oo ah An-nisaa isla markaana sidata magaca Haweenka.

Taasi waxay daliil cad u tahay sida Islaamka u sharfay dumarka uuna aqoonsan yahay shakhsiyadooda & kartidooda iyadoo waliba halgamadii kala duwanaa ee Islaamku soo marey ay haweenku ku lahaayeen kaalin aad u mug weyn. Dimuraadiyada reer Galbeedku xiligan ku doodayo 70 sano ka hor haweenku xitaa awood uma laheyn inay ka qayb galaan doorashooyinka, waxaana ay ahaayeen kuwa ku dulman bulshada dhexdeeda, laakiin iyagoo ka tuusaalo qaadanaya sharafta Diinta Islaamka siisey aadmiga guud ahaan gaar ahaan haweenka waxay qolyaha hogaanka u haya Dimuqraadiyadu ku fakareen in ay qaadaan talaabooyin ay ku muujinayaan inay ilaaliyaan xuquuqda haweenka.

Dad badan oo dunida ku dhaqan ayaa laga dhaadhiciyey in Islaamku aanu siin xuquuqdii loo baahnaa haweenka, laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado inaanay aheyn xuquuqdu in qofku nolashiisa xad la’aan uu sameeyo wixii uu doono, balse looga baahan yahay in fuliyo wixii wanaag ugu jiro aduun iyo aakhiro, mana ahan xoriyada in la is qaawiyo oo haweenka cawradooda banaanka la soo dhigo iyadoo laga duulayo sheekada ah xuquuqda shakhsiga.

Hadaba dhacdo ku cibro qaadasho mudan loogana baahan yahay in dadka Islaamka ah u yeeshan fiiro dheer ayaa dhawaan ka dhacdey wadanka Mareykanka, waxay aheyd markii maxkamad ku taal gobolka dalkaasi ay go’aan ku soo saartey in madaxda shirkaduhu shaqada ka eryi karaan haweenka ilqabadka wanaagsan leh (Qurxoon), iyadoo taasi laga dhigay mid sharci ah.

Dimuqraadiyada waxay qabtaa in qofka shaqaalaha ah uu xaq u leeyahay in uu shaqadiisa ku waayi karo sifooyin ku saleysan xuquuqda aadanaha, tusaale ahaan in qofku shaqadiisa ka soo bixi waayo, in uu u dhamaado heshiiskiisa ama in uu helo magdhow hadii shaqadiisa uu ku waayo siffo aan sharciga waafaqsaneyn. Laakiin qisadan Dimuqraadiyada naloo sheegayo ka duwan ayaa timid ka gadaal markii nin Dhakhtar ah oo qaabilsan daaweynta cudurada Ilkaha uu xaruntiisii ka eryey haweenay mudo 10 sano ah ka shaqeynaysay xaruntiisa, isagoo taasi u cuskaday in ay tahay qof qurxoon.

Melissa Nelson oo la shaqeynaysay James Knight waxay dacwadoodu gaartey heer maxkamadeed iyadoo James ku doodayo in Mellissa ay tahay qof qurxoon, dhar ku dhegan qaadata, isla markaana isaga iyo dadka kale ee xarunta imaanaya ay ku sameyso masquulin. Melissa Nelson waxay ku doodayaa in hadii ay nin ahaan laheyd ay shaqadeeda wayn laheyn, balse dumarnimada ay shaqadeeda ku wayday, iyadoo hadalkan ka dhex sheegtey maxkamada.

Laakiin James wuxuu ku doodayaa in xitaa guurka qoyskiisa uu ku jiro qatar hadii haweenaydaasi la sii shaqeyso, iyadoo maxkamada la keenay marqaati cadeynaya in sanadkii 2009-kii James xaaskiisa ay ku aragtey telefoonka saygeeda fariimaha qoraalka oo ay isdhaafsadeen Melisssa iyadoo dalbatey in haweenaydaasi uu shaqada ka saaro hadii kale guurkoodu uu ku jiro Qatar.

La yaabku wuxuu ahaa markii cadeymaha maxkamada la keenay ay noqdeen in xiriirka James iyo Melissa ay ahaayeen kuwa shaqada ku saleysan oo aanay jirin xiriir isgaarsiineed oo la isdhaafsadey oo ka baxsan shaqada, arintaasi oo noqotey mid muran badan keentey. Cadeymaha maxlamada la keenay waxay ahaayene hal faiin qoraal mobile (Text massage) oo uu James u diray Melissa sanadkii 2009-kii wuxuu ku waydiiyey su’aal la xiriirtey dareenkeeda sariireed, balse waxaa lagu waayey cadeyn ah inay wax jawaab ah ka siisay qoraalkaasi. Sanadkii 2010-kii James Knight wuxuu shaqada ka eryay Melissa Nelson isagoo u sheegay in quruxdeeda ay halis ku tahay qoyskiisa, laakiin arintaasi haweenaydaasi uma cuntamin waxaana ay dacwad maxkamadeed ku oogtey ninkaasi ay u shaqeynaysay, iyadoo sheegtey in si aan sharciga waafaqsaneyn in shaqadeedii ay ku wayday.

Melissa oo filaysay in kiiskeedu uu iyada qiimo u leeyahy ayna heli doonto xuquuqdeeda shaqaalenimo oo lagu xadgudbay, iyadoo ku dooday in Knight uu ahaa saaxiib u dhaw & Aabe isla markaana shaqadeeda ay ku wayday dumarnimo oo kaliya. Balse James Knight wuxuu ku dooday in dhamaan xaruntiisa dadka ka shaqeeya ay yihiin haween, laakiinse Melissa sababta uu shaqada uga saaray ay tahay soo jiidasheeda quruxdeeda iyo in uu kordho xiriirkooda shaqo oo sal u noqon kara burburka qoyskiisa.

Dooda oo soctey mudo aad u dheer waxaa ugu dambeyntii maxkmadu u saartey gudi ka kooban 7 xaakin, iyagoo go’aan ku gaaray  21-bishii bishan in masuulka shaqada uu u leeyahay xaq in uu shaqada ka saari karo qof kasta oo lagu helo in uu leeyahay soo jiidasho badan, waxaana xukunkaasi uu dhabaha u xaarey in Mellisa ay ku waydo halkaasi xuquuqdeedii iyadoo loo cuskay inay tahay qof qurxoon oo soo jiidasho leh.

Su’aasha iswaydiinta mudanse waxay tahay xuquuqdii haweenka ee naloo sheegayey in Dimuqraadiyadu ilaalinayso wa waxay noqotey in qof dumar ah shaqadeedii looga saaro waad qurux badan iyo soo jiidasho ayaad leedahay, waana su’aal u bahan in la iswaydiiyo.

Halkan ka akhri warbixintan oo lagu daabacay website-ka Tv-ga CNN

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII