Waxaa lagu qabtey wadanka Talyaaniga xaflad balaaran oo ku aadan xuska aasaaskii dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

kulaan aasi balaran  ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaha bulashada Soomaliyeed  ee ku nool dalka Talyaniga  waxaan hal  kaasina lugu soo bandhigay suugaan katar jumeysa marxalada dalka Soomaliya uu maraya  iyo sidee  Soomaliya  shanteeda gees  la iskuna keeni lahaa.

Waxaa kaloo halkasi lu gu sooban dhigay   heeso iyo gabyo  iyo ciyaaro aad u xiisa badan  oo ay la dhaceen dadweynihii ka soo qeyb galay  munaasabadasi 13 guurada mamul gobaleedka Puntland.

Dadkii ka hadley xafladaasi ayaa amaan balaran  u soo jeediyen masuuliyiinta mamulka ka jira Puntland ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha Puntland Faroole, iyagoo ka hadley sida ciidamada Booliisku ugu hawlan yihiin sugitaanka amaanka & walina sida ay u soo dhaweeyeen dadka reer Puntland walaalahooda ka soo barakacay Koonfurta wadanka.

Sidoo kale waxaa lagu amaanay kulankaasi hay’adaha kala duwan ee maamulka magaalada madaxda Garoowe oo lagu amaanay sida ay ugu hawlan yihiin la dagaalanka burcad badeeda.

Uugudambeen tii ayaa halkasi waxaa ka hadashay   marwo  Hibo Cabdulaahi Ciisa oo  ka mid ah gudoomiyaha uruka haweynka Puntland  ahna kudoomiya  ku xigeenka jaaliyada  Puntland ee dalka Talyaniga  ayadoo ku baaqady  in account xisaabeed ama bangi si degd eg loogu furo dadka ku dhibaateysan abaaraha daran  ka jirta dalaka Soomaliya gaar ahaan koonfurta Sooamliya  sidii wax loo gu qaban lahaa.

Sidoo kalo waxaa halkasi kahadalay   Cabdulqadir Xuuxuule  oo asagana ka mid ahaa dadka ku dhaqan dalka Talayaniga isagoo ku dheeraaday muhiimada dadka reer Puntland ay u leedahay dabaaldega aasaaskii Puntland oo 13 sano ay ka soo wareegtey.

DAAWO SAWIRADA

Bashaka Xaaji LLPP
ITAALIYA