Dowlada Telyaaniga oo amartay in Soomaalidu ay Qataan Baasaboorada Dalkooda islamarkaasna Joojisay Bixinta sharciyadii ay siin jirtay Soomalida ee(Treval Document) marka laga Reerbo kuwa Qaxootinimada Dhabta ah ay u Qaabileen ee Geneva.

 Soomali ku nool dalka Talyaaniga ayaa xalad aad udag lasoo daristay kadib marki dowlada dalka Talyaniga ay go’aan ku gartay in dib loo hakiyo qadashada Pasapproka ama documentiga lugu safro ee loo yaqan Travel Document arintan ayaa waxaa ay sameyn balaarani ay ku yeelatay dadka kunol dalka Talyaaniga oo heysata sharciga loo yaqaan ama noociisu yahay Bini’aadanimada. Soomaalida ku nool Ferensa ayaa arintaasi waxaa ay ku cabireen dareen kooda kaga adan go’an gaarida ay gartay dowlada dalka Talyaaniga oo ay ku hakisay sharciga loo yaqan Travel document. Qeyla dhantan ayaa waxaa ay soo baxaday mar kii amar uu ka soo saartay laamaha socdalka ee qabilsan sharciyada in ay qataan qaxootiga Soomalida ku nool dalka Tlayaniga sharcigooda oo ah jansiyada aqoonsigooda ama basaboorka wadanka Soomaaliya. Soamaalida ayaa arintan waxaa ay ku tilmantan in ay tahay mid loogu wiiqayo socdalkooda ay ku tagayaan wadmada midawga Yurub ama Scandinavian-ka oo ay booqdaan xilaga qaboobaha. Dadka Soomaalida ah ku nool dalka Talyaaniga socdaalo badana ama guurguura had iyo jeer waxay ay booqdan wadmada ay leeyihiin waxaad ka heli kartan nolashiina mid ka badalan oo aad ku heysataan dalka Talyaaniga.

 Waxaa jiraaa dhalinyaro ay ku adkatay nolasha dalka Talyaaniga isla markasina helay in ay raadiyaan nolal taasi ka badalan taasi oo ah in ay ka soo abuurtaan ama ku yeeshaan qoysas wadmada dariska la’ah dalka Talyaaniga ee Scandinavian-ka. Si kastay ahaataba waxaa loo diray Soomaalida in ay soo qataan basaboorkooda waxaan amar lugu siiyay in ay tagaan Safaarada ee ku leeyihiin dalka Talyaaniga ee casimada Rome Soomalidana taasi wey ka caga jiidan tahay maxaa yeelay sooqadshada basaboorka Soomaaliga waa arin aad udag mana jirto meel uu ka shaqeeynayo sida wadamada Sweden, Holland iyo Norway ama guud ahaan wadamada Scandinavian-ka iyo kuwa Africa toona mi d aqoonsan ma jiro. Waxaa hada ka taagan is qabsi udhaxeeya mamulka Soomaliya maxaa yeelay waxaa jiraa sadex basaboor ay soo sareen maa muladii isaga dambeyay talada dalka Soomaaliya hogamiye waliba waxaa uu firinayaa dantiis ku adan ku takri falka hantida qaranka iyo badalida sharciyada dalka u yiil. Waxaa wareer uu ka taagan yahay cid lugu aminkaro dukumiintiga dalka uu leayahay ma jiro taasi ayaana Soomalida ay walwal a muu jineysaa in ay ku soo dhacaan meel cidla ah.

 Dalka Talyaaniga waxaa ku nool qaxooti aad u badan ama oo ka soo kala jeeda dowladaha Ethiopia, Erteria iyo Suudan, intaba waxaa ay kamid yihiin qaxootiga soo gaaray dalka Talyaniga waxaan ay xaq uheleen in ay heystaan dukumintiga dalka Talyaniga waxaan ay iskugu jiraan qaxooti ama asylum Political(Magangalyo siyaasadeed), iyo kuwa haysta sharciyada aadamtinimada (Humanitarian) hadan kala qaado qaar waxaa ay xaq u leeyihiin in ay ku noladaan dalka Talyaaniga mar kii ay dowlad ay dalka ka dhalatana in dalkii loo cilin karo halka qarna ay yihiin kuwa aan dalka anmarba loo celin karin. Qaxootiga lamid ah qaxootiga Soomalida oo hada dalkooda kajira nidamka dowladnimo waxaa ay xaqu heleen in ay qatan sharciga Travel Document wadanka Talyaaniga halka Soomalidana lugu amray in ay soo qataan basaboorka wadankooda waa su’aal ay isweydiyaan Somaalida wadamada Yurub ilaa iyo haatan mana jirto cid ku safartay oo laga soo celiyay elabortiyada ama meelaha laga dhoofa waloow Soomalidii hore ku nooled dalka Talyaniga ay wateen sharciga basaboorkii hore Soomaliga kuwa mantana ay cabsi kamuujinayaan qadshada basaborka Soomaliga sharuudaha ay kagabinayaan qadshadiisa ayaa waxaa kamid ah waxaa ay kusheegayaan in aysan arkin dowlad isku towfiiq ah oo ka mideysan xaalada dalka uu mararyo.

 Soomaalidu waxay kaloo ku sheegayaan qaxootigaasi ama ganacsatada in ay yagaba ay kusafraan sharciyada shisheeye sida Kenya ,Jibuuti, Iyo Itoobiya sadexdasi ayaa eywataan waxaana ay kutagaan mel waliba ay gancasi ka rabaan. Su ‘aashu waxay tahay xukuumada Soomalida ayaga maqaatan basaboorka Soomaliga ?, jawabta waa maya waxaa ay ku safraan sharciyada shisheeye basbooro ama dhalashooyi wadamo kale oo Yurub.

 Dadkan qaxootiga ah ee maganyagalya doonka ah ee soo gaaray dalka Talyaaniga ma awoodan iib sishada basborka oo qarshkiisa aad u badan yahay waxaana Soomalida ka dagi la’a madaxooda sababaha in hal mar u qura sSomalida lugu soo rogo sharciga qadshada jinsiyada Soomaliga. Dhalinyaro aad u badan oo aan heynin waxbarasho, shaqo , oo xilga qaboobaha ka baxa dalka Talyaaniga qabtana wadmada Scandinavian-ka ka ayaa tasi ku noqotay falaar ama caqabad.

Mid kamid ah dhalintasi ayaa waxaa uu sheegay “6-dii biloodba waxaan tagaa Yurubta kale waxaan kasoo uruur sada ceyrta marka la gaarana kuleelaha waxaan dib ugu soolabta Talyaaniga waxaan raadiyaa nasiibkeyga si aan u helo shaqo hada hadey bilabeen sheekadani waa dhimo o ha noolanin, ayaan u arkaa” ayuu isii raciyay “laaakiin waa sheekadii diinka iyo shimbirka halkii nologu tashanayo ILAAH-baa joogaa “ayuu si kaftan iigu yiri.

Waxaa hada ka jirta dalka Talyaaniga shaqo la’aan baahsan marka wey adagtahay sidii loo heli lahaa shaqooyin inkasto dalka Talyaaniga uu ahaa meelaha ugu shaqada badan qarada Yurub hadana waxaa dhaqaaq uu ku dambeeyaa dumarka soo galootiga ah aygoona haya ama xanaaneeya dadka wayeelada ama hoolgabka noqday qaarkood ayaaba waxaa ay la joogan 40 sono iyagoo kuba dhalan garay dalka Talyaanig.

LLPP Bashka Jeenyo
Jiidaal114@hotmail.com