Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu halkaas ku geeriyooday Taliyihii Nabad Sugidda Degmada Kaxda Maxamuud Qooley oo barqa nimadii maanta ay dabley hubeysan rasaas ku fureen gaari uu la socday.

Weerarka ayaa ka dhacay isgoyska Xoosh ee Degmada Dharkenley waxaana weerarkaas markii hore uu dhaawac ka soo gaaray Taliye Qooley hayeeshee dhaawac ayaan ayuu ugu dhintay Isbitaalka.

Mid ka mid ahaa ilaalada Taliye Qoolley ayaa isla goobta ku geeriyooday iyada oo uu dhaawac yahay mid
kale oo ka mid ah ilaalada.

Sawirka, Taliyaha Geeriyooday

Taliyaha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarka,iyada oo dadka ka agdhow ay inoo sheegeen in Gaari lagu horjaray gaariga uu la socday sidaasna uu ku dhacay weerarka.

Ilaa hadda saraakiisha Kale ee Nabadsugida iyo Dowladda Soomaaliyaba kama Hadlin weerarka uu ku geeriyooday Taliyihii Nabadsugida ee Dagmada Kaxda oo ka Tirsan Gobolka Banaadir.