Kooxo hubaysan ayaa caawa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku diley taliyihii hore ee ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolka Nugaal Col. Axmed Xaaji Doon.

Dilka marxuumkan ayaa waxaa geystey koox dabley ah oo baxsadey xiligii ay dilka u geysteen marxuumkaasi, sida ay SBC u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah, iyadoo marxuumka la gu diley agagaaraha Masjid Rowda ee magaalada Boosaaso.

Lama oga ilaa iyo hada ujeedada dilkaasi ka dambeysa waxaana dilkan uu ku soo aadayaa iyadoo bilihii la soo dhaafay ay ka aloosnaayeen magaalada Bosaaso dilal caynkan oo kale oo loo geystey dad isagu jira Salaadiin, Ganacsato, saraakiil & dad kale oo waxgal u ah bulshada.

Masuuliyiinta gobolka & taliska Booliiska wax hadal ah ilaa iyo hada kama soo saarin dilkan caawa ka dhacay magaalada Bosaaso.

SBC News Desk