Washington- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa u magacaabay Taliyihii ciidamada Maraykanka Afganistan Gen David Petraeus in uu noqdo madaxa cusub ee laanta sirdoonka Maraykanka CIA,iyadoona sarkaalkii ugu sareeyay hay adaasi madax looga dhigay Wasaarada difaaca Maraykanka Pentagon.

Madaxii CIA-da Maraykanka Leon panetta ayaa loo wadaa in uu badalo Wasiirka Difaaca Maraykanka ee Xiligan Robert Gates,iyadoona bisha June ee nagu soo fool leh la filayo in uu Gates noqdo Howl gab.

Shaqadii uu hayay Gen David Betreus ee taliska ciidamada Maraykanka Afganistan ayaa la filayaa in uu la wareego Gen John Allen,iyadoona Betreus isku diyaarinayo in uu madax u noqdo hay ada sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Isbadalada iyo isku shaandhaynta uu sameeyay Madaxweynaha Marykanka Brack Obama ayaa ah mid laga dhowrayo Senat-ka Maraykanka in ay meel mariyaan oo ansixiyaan.

Obama ayaa waxaa tan iyo inta uu qabtay xilka Madxweynanimada Maraykanka uu ahaa isbadalkan kii ugu weynaa ee uu ku sameeyo saraakiishiisa ugu sareeysa dhinaca ciidamada iyo weliba difaaca Maraykanka.

Sidoo kale Obama waxaa uu sheegay in uu Ryan Crocker uu noqon doono safiirkiisa xiga ee uu u magacaabay Dalka Afganistan.

SBC International Monitoring