Qardho-Taliyihii ciidamada booliiska qaybta gobolka karkaar Cali Axmed Cali (Cali Xun) ayaa Maanta xil ka Qaadis lagu Sameeyey iyadoo xil ka qaadistaas oo ka dhacday xarunta Gobolkaas ee magaalada qardho Waxaana La magacaabay Taliyaha Cusub ee Gobolka Karkaar C/qaadir Axmed Khayr.

Goobta ay ka dhacaysay Xaflada Xil wareejinta waxaa Joogay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka oo ugu horeeyo taliye ku Xigeenka Maxamed Saciid Jaqanaf iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamadaas iyo waliba Masuuliyiinta gobolkaas.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay taliyihii hore qaybta booliiska gobolka karkaar Cali Axmed Cali oo ka warbixiyay waxqabadkiisii intii uu xilka hayay isagoo sheegay in Ay ugu muhiimsanayd dad dilal gaystay oo ciidamada ay gacanta ku dhigeen joojinta Dhulka daaqsinka la seereysto iyo gubista dhirta sidoo kale waxaa uu soo dhoweeyay Taliha cusub.

Waxaa kaloo goobtaasi ka hadlay taliye ku xigeenka booliiska puntland Maxamed Saciid Jaqanaf oo ugu horayn bogaadin u jeediyay taliyihii hore ee booliiska gobolka karkaar Cali Axmed Cali iyo ciidamada booliiska isagoo sidoo kale halkaasi ku magacaabay Taliyaha cusub oo gobolkaas Cabdiqaadir Axmed kheyr.

Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadlay taliyaha cusub ee booliiska gobolka karkaar Cabdiqaadir Axned Kheyr oo mahad balaaran u celiyay taliyihii hore iyo ciidamada Gobolkaas sidoo kalana waxaa uu intaasi ku daray in uu sii wadi doono howlaha shaqo ee Horyaala.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International News Desk