Wararka laga helayo maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in xalay magaalada Ceerigaabo lagu dilay taliyihii ciidamada Koofi-guduuda ee guutada sedaxaad, Gaashaanle Saciid Cabdi Warsame.

Gudoomiyaha gobolka Sanaa gee Somaliland, Axmed Cabdi Fly ayaa BBC-da u xaqiijiyay dilka taliyahaasi oo militariga ka tirsanaa.

Waxa uu gudoomiyaha sidoo kale xaqiijiyay in mid ka mid ah askarta uu toogtay taliyaha la dilay, ee ciidamada Koofi-casta ka tirsanaa.

Waxa uuna tacsi u diray ehelka iyo qaraabada uu ka dhintay Gaashaanle Saciid Cabdi Sarwsame. Wuxuuna tilmaamay in baaritaan xoog leh uu hadda socdo.