Ciidamo sida la sheegay uu soo amray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Xabsiga degmada Baladxaawo dhigay Taliye ku xigeenkii Ciidamada Booliska Soomaaliya u qaabilsanaa Gobolka Gedo Cor.Xuseen Axmed Haliil oo la sheegay in muddo Maamulka jubbaland uu qorsheynayey in la xiro.

Taliye xigeenka ayey wararku xaqiijinayaan in gurigiisa lagala baxay sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka mid ah ehelka masuulka la xiray.

Saynab Xasan Axmed waxaa adeer u ah Cor Haliil oo u xiran Maamulka Jubbaland ayey sheegtay in adeerkeed isagoo gurigiisa jooga ay qasab ku wadeen ciidan ay sheegtay inay u abaabulnaayeen qaab qabiil islamarkaana aysan garaneyn sababta keentay arintan,markii saldhigga ay uga taba-tageenna lasoo xabadeeyey sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa ay intaa raacisay in Muddo hadda laga joogo laba bilood uusan wax shaqa ah qabanin kadib markii uu hanjabaad kala kulmay madaxda Maamulka jubbaland sidaana uu shaqadii ku joojiyey xabsi-gurina uu ahaa,waxaana ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay arintaan soo faragaliso ayna ku dadaasho sidii taliye ku xigeenku xorriyadiisa dib ugu helilahaa.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland gaar ahaan wasaaradaha Amniga,Arimaha Gudaha, Maamulka Gobolka Gedo iyo Kan degmada Balad-xaawo oo aan la xariirnay dhammaantood nooma suura-galin inay arintan wax nag dhahaan,

maalmihii dambe ayaa Madaxd Maamulka Jubbaland waxaa ay wadeen qorshe ay ku xirayaan Saraakiisha iyo ciidamada dowladda Soomaaliya kaga sugan deegaanada Maamulkaasi kadib markii ay isku fahmi waayeen sida ay uga wada howlgalayaan degmooyinkaasi.