Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa Wareysi uu siiyay Warbaahinta SBC kaga hadlay xaaladda amaanka ee gobolka & shaqaaqooyinkii Hore ee dhacay.

Taliyaha ayaan wax ka weydiinay Weerarkii Isbuucii Hore lagu qaaday saldhiga Bartamaha Halkaas oo lagu dhaawacay Taliye ku xigeenkii saldhiga iyo Dhowr Askari , Wuxuuna Taliyuhu Sheegay iney Ogyihiin Dadka Sameynaya falalka Noocaas oo kala ah, Ayna Baaris Ku Wadaan,

Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay iney jiraan Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Booliska oo howlgallo Joogta ah ka wada Magaaalada Si Loo Xaqiijiyo Nabadgalyada, inkastoo uu sheegay ineysan jirin Goobo U Bartilmaameed ah.

Taliyaha Ayaa SBC Weydiisay Warqad ka soo Baxday 10-kii Bishan Xubno ka Tirsan gudiga Nabadgalyada ee gobolka Bari oo lagu Sheegay in Shaqadii looga joojiyay, Wuxuuna beeniyay in gudiga Nabadgalyada ay ahaayeen Xubnihii Warqadda Soo Saaray.

” Warkaasi waa Jira Laakiin ma aheyn Gudiga Amniga, Gudiga Amniga Waxaa gudoomiye ka ah Gudoomiyaha gobolka Anna Ku Xigeen ayaan ka ahaa, Sadex Qof oon ku Jirin Gudiga ayaana warqadda ku qoran, Dalkana Sharci iyo Nidaam ayaa u yaalla, Wasiir amni, Taliye Boolis, iyo Madaxweyne ayuuna Dalku leeyahay, Gudiga amnigana Shaqana igama joojin karaan, iimana Diri Karaan, Ayuu Yiri Taliye Cabdixakiin,

Taliyaha ayaa Beeniyay in uu sameeyay Ku Tagri Fal Awoodeed, iyo in Ciidamadii loogu talagalay Nabadgalyada Magaaladda uu Geesaha Gurigiisa iska Dhigay, Taas oo uu sheegay ineysan Waxba Ka jirin.

“Hubka Horta inuu jiro iyo inkale waa in La is weydiiya, Cidda igula xisaabtamaysana waa Dadka i xukuma, Laakiin hadii dadka i xukuma ay igu eedeeyaan Waa Xaqiiqo, Ayuu Ugu Danbeyn Hadalkiisa sii raaciyay Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen

Waxaa Soo Ifbaxday inuu Jiro Khilaaf Hareeyay Madaxda Booliska ee Gobolka Bari iyo Masuuliyiinta Kale ee degmada Iyo Gobolka, Iyadoo Xaaladda Amaanka ee Magaalada Xarunta u Ah Gobolka Bari ee Boosaso uu SiI Xumaanayay

DHAGEYSO WAREYSIGA TALIYAHA EE SBC :