Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Maanta Loo Magacaabay Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliya.

Xilkan loo Magacaabay Wasiirkii Hore Ee Difaaca Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xamud waxa ka geeriyooday General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo u geeriyooday 30 October 2014-kii Xanuun ku soo booday.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa Waxaa loo Magacaabay General Bashiir Maxamed Jaamac oo horey usoo Noqday Taliyihii Ciidamada Nabad sugidda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa looga dhawaaqay kulanka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Maanta oo khamiis ah ku yeesheen Muqdisho.

SBC, News