Waxaa gudaha  Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari lagu dhaawacay taliyaha Ciidamada Ilaalada Hayadaha Caalamiga  Mursal Xaaji Saleebaan iyo mid ka mid ah Ilaaladiisa.

Laba nin oo ku hubeysan Baskoolato ayaa dhaawaca taliyaha ugu geystay Gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaana dhaawac taliyaha la dhigay Isbitaalka Puntland ee Magaalada Boosaaso.

Ciidamada Ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Dad la sheegay inay  falkan geystay sida ay dad wargal ah u sheegeen warbaahinta SBC International.

Ma jirto faahfaahin laga bixiyay falkan dhacay mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Taliska Ciidamada Puntland

Taliyaha ciidamada SPU-da ama Special Police Unit ayaa waxaa ay xabadi kaga dhacday dhinaca madaxa

Falkan ayaa ku biirayay falal isdabajoog ah oo mudooyinkan ka dhacaya Magaalooyin ka tirsan Puntland gaar ahaana Boosaaso iyo Gaalkacyo.

SBC International  Monitoring