Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen taliska sare ee ciidamada Booliiska Puntland & ciidamo fara badan oo ay horkacayaan.

Taliyaha Booliiska Puntland Jeneral Cali Nuur Cumar & ku xigeenkiisa G/sare Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa wararku sheegayaan in ay halkaasi u tageen waxkaqabashada xaaladaha amni daro ee ka aloosan magaalada Gaalkacyo iyadoo todobaadkan ugu yaraan 7 qof oo uu ka mid ahaa masuul ka tirsanaa wasaarada awqaafta & arimaah diinta Puntland lagu diley magaalada Gaalkacyo.

Socdaalka taliyeyeeshan & ciidamada ay hogaaminayaan ayaa wuxuu ka dambeeyey ka dib markii shir ka dhacay magaalada Garoowe golaha wasiirada Puntland isku raaceen in Gaalkacyo loo diro ciidamo amaanka suga isla markaana la soo qabto dadkii ku lug lahaa dilalkaasi oo qaarkood ka dhaceen Masaajidyo ku yaal waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ma jiro wax war ah oo ay saxaafada siiyeen oo ku aadan socdaalkooda, hase yeeshee dadweynaha magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyey talaabadan iyagoo ku macneeyey inay wax ka badlai doonto amni darada ka jirta magaalada.

SBC Monitoring