taliye xigeenka Policeka mudug
Gaashaanle Axmed Cismaan Cali oo ah Taliye Xigeenka Qaybta Boliska Gobolka Mudug oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ka hadlay shilalka Gawaarida Magaalada Gaalkacyo Ku soo badanayey Todobaadyadii la soo dhaafay .

Taliye Xigeenka Gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay in Gawaarida Shilalka Gaalkacyo ka dhaca ay ubadanyihiin PL-LADA  ama Gawaarida dadweynaha waxauuna sheegay in ay dhib ku hayaan dadka iyo Gawaarida xiliyada ay Marayaan Wadooyinka Magaalada.

Isagoo intaasi ku daray in dhibaatada ugu badan ay tahay Dadka qaar oo aan Darawalnimada aan aqoon buuran ulahayn,

Taliye xigeenka ayaa waxa uu sheegay in arintaas aan loo dulqaadan doonin cidii si sharciga hareermarsan gawaarida u kaxaysana ay sharciga horgayn doonaan .

Todobaadyadii ugu dambeeyay magaalada Gaalkacyo xaruta gobolka Mudug waxaa ku soo laalaabanayay shilalka wadooyinka magaalada gudaheeda ka dhacaya kuwaas oo ay ka dhasheen khasaare u badan dhaawac iyo mid hantiyadeedba.

Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo.