Taliska booliska  Puntland ayaa maanta  Garoowe  ku   soo bandhigay nin horay uga tirsanaan jiray Alshabaab almujaahidiin, kaasi oo lagu magacaabo C/risaaq Axmed Xirsi .

Taliye  ku xigeenka ciidan booliska Puntland C\laahi Saalax  Maxamed  ayaa warfidiyeenka uga warbixiyey  sida ninkaasi Xarakada Alshabaab uga soo baxay isagoo sheegay in  madaxawayaha  Puntland uu cafiyey kadib  markii qabiilka uu ka dhashay ay ku  guulaysteen in  uu ka soo baxo Xarakada Alshabaab  oo ay keenan Puntland ayna wanaagsantahay dhalinyarada  sida  khaldan loo adeegsado in  looga yeero kooxaha nabad diidka ah sida Taliyuhu hadalka u yiri.

Dhankale C/risaaq Axmed Xirsi oo ahaa ninka sheegay in uu ka baxay Xarakada Alshabaab ayaa sheegay in uu uga baxay kooxda kadib markii waa sida hadalka uu yiriye uu  fahmay sida tacdiga ah ee ay ula dhaqmaan bulshada ay marin habaabiyaan  ayna dhib ugu filintahay intii uu la joogay.
Mar saxafiyiintu su’aalo ka waydiin howlaha  uu Al-lshaab u qaban jiray iyo sababaha uu ugu biiray ayuu sheegay in uu uqaabilsanaa dhanka dacwada isagoo sheegay in uu ka howlgali jiray gobolada Jubooyinka iyo Banaadir .

Ugu dambayntii C/laahi Maxamed Aw-ciise oo ah nabadoonka beesha uu ka soo jeedo C/risaaq Axmed Xirsi  ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ka soo baxo sida hadalka uu yiri kooxaha nabad diidka ah ee  dhibaatada ku  haya umada Soomaliyeed ayna wakht ibadan ku qaadatay sidii uu dib  ugu soo celinlaha .

Ma ahan markii ugu horaysay ee saxaafada loo soo bandhigo  nin sheegay in uu ka baxay Xarakada Alshabaab iyada oo horaantii bishan isla magaalada Garoowe lagu soo  bandhigay wiil dhalinyaro ah oo sheegay  in uu ka baxay Xarakada Shabaab almujaahidiin.

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo badan dhalinyarada ka baxaya kooxda  shabaab oo  ay sheegen in aysan lahayn wax hadaf ah iyo meel ay usocdaan iyada oo ay ku soo beegmayso xili kooxda mucaaradka ah ee  shabaab uu soo wajahay hoos udhac xoogan oo dhanka awooda ah .

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe