Wareegto ka soo baxday Taliyaha ciidamada Police-ka Puntland ayaa manta xilalkii looga qaaday taliyihii ciidamada Police-ka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.

Maxamed Siciid Jaqannaf Taliyaha Ciidamada Police-ka Puntland ayaa u magacaabay Taliyaha Ciidanka Police-kak gobolka Nugaal G, Sare C/raxmaan Xaaji Abshir

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in uu noqonayo taliyaha saldhiga bartamaha booliska Garowe Dhame Siciid Xirsi Cali Bootaan

Taliyaha ayaa waxaa uu kumicneeyay xil ka qaadista Taliye yaashii hore xaalado jira iyo habasanaan soo wajahday amaanka isagoona u sheegay taliye yaasha cusub ee uu magacaabay in ay si deg deg ah gacanta ugu qabtaan amaanka guud ahana gobolka.

SBC International Garowe