Taliyaha saldhiga dhexe ee Dagmada Garoowe laba xidigle Aadan Muuse
Jaamac ayaa saaka kor meer ku soo sameeyay kaamamka ay daganyihiin dadka
barakacayasha ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Garoowe waxaana ku
wehelinayay Kormeerkiisaasi Qaar ka mid ah ciidamda ammaanka iyo
Guddoomiyaha Barakacayaasha Gobalka Nugaal Macalin Isaaq, waxayna kor
meerkooda ka bilaabeen kaamka lagu magacaabo Riiga oo ku yaala
duleedka koonfureed ee magaalda Garoowe, halkaasi oo ay kula hadleen
dadwaynaha dagan kaamkaasi ugana war bixiyeen ujeedkooda Wuxuuna ahaa
kor meer kaasi u kuur galidda xaalada ammaan ee barakacayaasha iyo is
dhaafsiga xogaha sugan iyaga iyo  ciidamada amaanka.

Ugu horraytiiba waxaa halkaasi ka hadlayay guddoomiyaha dadka
barakacayaasha ah ee  ku dhan Gobalka Nugaal Macallin isaaq isagoona
sheegay in uu si wanaagsan uga warhayo taliyaha sal dhiga dhexe
xaaladaha ammaan ee dadka barakacayaasha ah sidoo kalana ugu baaqayay
Guddoomiyayaasha kaamamka barakacayaasha ah in laga wada shaqeeyo
ammaanka cidii wax u dhimaysana layska qabto.

Taliyaha saldhiga dhexe ee dagmada Garoowe Laba xidigle Aadan Muuse
Jaamac ayaa kula dardaarmay dadka dagn kaamka Riiga ee duleedka
magaalada Garoowe isagoona sheegay in ay soo wargaliyaan ciidamada
ammaanka haddii ay arkaan cid wax u dhimaysa amniga guud.

Isaaq Abuukar Maxamuud waa gudoomiyaha kaam ajuuraan eek u yaala
duleedka Bari ee magaalada Garoowe ayaa sheegay inay si wanaagsan ula
shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee dagmada Garoowe ayna usoo gudbiyaan
xogkasta oo ay helaan.

Gabadiina taliyaha saldhiga dhexe ayaa kula dardaarmay
Guddoomiyayaasha kaamamkaasi in ay xiriir wanaagsan la yeeshaan
ciidamada ammaanka aysan xogta soo gudbin oo kaliya markii ay dhibaato
jirto balse loo baahanyahay in mar walba layska warhayo,

Ciidamada ammaanka ee Dagmada Garoowe ayaa muddooyinkii danbe waday
dadaalo ay ku doonaayaan inay is faham wanaagsan ka dhex abuuraan
ciidamada ammaanka iyo Bulshada qaybaheeda kala gadisan eek u dhaqan
magaalda Garoowe Barakacayaashuna ay qayb ka yihiin,

Yusuf Maxamed Maxamud Yusuf Yare.
SBC International Garoowe