Taliska ciidanka Booliiska ee Gobalka nugaal ayaa maanta Goob fagaare ah ku gubay muqaadaraadka maadooriyaha ah nooca loo yaqaan qamriga oo ay tiradiisu dhammayd 22dhallo oo qamri ah iyo maandooriyaha looyaqaan xashiishada oo ay dhawaanta gacanta ku soo dhigeen ciidamda Policeka lagana soo qabtay deegaanka lagu magacaabo ilma adeer oo hoos yimaada dagmada Garoowe halak qayb ka mid ah maandooriyahasina laga soo qabtay Gudaha Goobaha qaadka lagu cuno ee ku yaala magaalada Garoowe sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha saldhiga dhexe ee Dagmada garoowe laba xidigle Aadan Muse Jaamac,

Dhanka kale taliyaha saldhiga dhexe ee dagmada Garoowe ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada garoowe inay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago kuwa soo galinya waxyaabaha muqqdaraadka ah sidoo kala sheegay in cid kasta oo lagu helo inay howlahaasi ku lug leedahay la soo taagi doono maxkamad lana marin doono waajibkiisa….

Iyadoo ay dadaal xoogan ugu jiraan ciidamda ammaanka Ee Gobalka nugaal sidii ay uga hortagi lahaayeen waxyaabaha maanka dooriya ayaa hadana waxaa soo badanaya soo badashda khamriga ee ay gacanta ku dhigayaan ciidamda ammaanku .

Yusuf Maxamed Maxamud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe