Taliska ciidamada AMISOM oo warsaxaafadeed fariimaha e-mail-ka ku soo gaarsiiyey SBC ayey ku sheegteen in ay guulo la taaban karo kaga gaareen dagaalada ay kula jiraan wax ay ugu yeereen xagjirka, waxaana ay sheegeen in ay ciidamada DFKMG ah iyo kuwa AMISOM hada gacanta ku hayaan irdaha laga soo galo Suuqa gaar ahaan dhanka Koonfurta & Galbeedka, isla markaana ay dagaal ku hayaan sidii xoogaga Al-Shabaab uga sifeyn lahaayeen Suuqa Bakaaraha.

Taliyaha ciidamada AMISOM Major General Nathan Mugisha

AMISOM waxay ku sheegey hadal qoraal saxaafadeedkeeda in Al Shabaab ay ka dileen 22 halka ay ka dhaawaceen 40 dagaalyahan sida ay sheegteen, waxaana warkan oo uu na soo gaariiyey Paddy Ankunda oo ah afhayeenka AMISOM uu ku qirtey in ciidamada AMISOM ay dagaalkaasi kaga dhinteen laba askari halka shan kelana ay kaga dhaawacmeen.Taliyaha ciidamada AMISOM Major General Nathan Mugisha, ayaa tagey goobta dagaalku ka aloosna yahay sida uu sheegay Paddy Ankunda waxaana uu sheegay in ciidamada DFKMG ah ay u dabaaldageen markii ay qabsadeen wadada Wadnaha gaar ahaan Masjidka Biyaamalow.

DAAWO SAWIRADA

 

 

 

 

SBC News Desk