Taliska ciidamada Booliska Somaliyed ayaa soo saaray awaamiir ka dhan ah ciidamada Booliska Somaliyed, sida uu ku dhawaaqay taliyaha ciidanka Booliska Sareyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Awaamiirta uu soo saaray Taliyaha ayaa ah in ciidanka Booliska Askarta aanan aqoonin qorista Afka Soomaaliga in muddo afar bilood gudahooda looga baahan yahay inay ku bartaan qorista Afka Somaliga iyo xisaabta Aas-aasiga ah.

Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in ujeedada ay tahay in ciidamada Booliska Somaliyed ay dhinac waliba ka dhisnaadaan si buu yiri ay ugu fududaato la dhaqanka Bulshada.

Xaamud ayaa sheegay in awaamiirtaan ay ku socoto Dable ilaa Kormeere Saddexaad, loona baahan yahay si deg deg ah kuwa aanan aqoon Af-Soomaaliga inay u bartaan.

“Waa talaabooyin lagu adkeynayo aqoonta iyo tayada Ciidamada Boliiska Soomaaliyed, askari aan luuqadiisa qori karin kama mid ahaan doono Ciidamada Boliiska.”ayuu yiri Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Boliiska Soomaaliyed.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada laga rabo inay si asluubeysan oo anshax ay ku jirto ula dhaqmaan Bulshada Somaliyed ee ay qoriga u qaateen inay amnigooda sugaan.

Hadalkaan ayuu Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed wuxuu ka sheegay Xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho oo tababar loogu soo xiraayay ciidamo ka tirsan Booliska Somaliyeed.

Tan iyo markii ciidamada Booliska Somaliyed loo dhiibay Taliyaha ciidanka Booliska Generaal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa waxaa isbedel badan uu ku yimid hanaanka ay ku dhisan yihiin ciidamada Booliska Somaliyeed.