Qoraal si wadajir ah uga soo baxay taliska Booliiska gobolka Bari, Maamulka Gobolka iyo kan degmada Boosaaso ayaa si gaar ah loogu xusey in General C/laahi Siciid Samatar oo u sharaxan madaxtinimada Puntland aanu ku qaban Karin shirar Hotel-da magaalada Boosaaso, isla markaana aanu wadan gaadiidka dagaalka oo uu ilaalo ahaan u Isticmaalo Jeneraalku.

Qoraalka ka soo baxay laamahan waxaa lagu sheegay in uu ku aadan yahay sugida amaanka, waxaana lagu tilmaamay adkeynta nabadgalyada guud ee gobolka sida qoraalka lagu muujiyey, iyadoo xambaarsanaa sadex qodob oo kala ah.

1: Inaan wax hub ah oo gaadiid saaran ama ku xiran (Teikninko) aanu lagu dhex wadan Karin gudaha magaalada Boosaaso iyo deegaanada kale ee gobolka guud ahaan.

2: In aan Hotel-da iyo meelaha kale ee la isagu yimaado aan lagu qaban Karin wax shir ah, iyadoon ogolaansho laga haysan gudigga nabadgalyada gobolka Bari.

3: Dr.C/laahi Siciid Samatar waxaa loo ogol yahay in uu wato ilaalo kooban oo aan wadan Tekniko iyo hub culus midna.

Qoraalkan ayaa waxaa ku saxiixnaa:

1: C/samad Maxamed Gallan (Gudoomiyaha Gobolka Bari
2: Yuusuf Muumin Bidde (Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee gobolka Bari
3: Khalar Ismaaciil C/lle (Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Gobolka Bari)
4: G/lle sare: Cismaan Xasan Cali (Taliyaha Qaybta Bari)
5: Xasan Cabdulle Xasan (Duqa Degmada Boosaaso)

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay General C/laahi Siciid Samatar oo go’aankan si gaar ah u taabanayo, iyadoo uu ku soo aadayo qoraalkan iyadoo magaalada Boosaaso uu ka wado C/laahi Siciid kulamo ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee Puntland, isagoo kulankii ugu dambeeyey hoyga uu degan yahay kula kulmay qaybo ka mid ah beelaha gobolka Bari.

Qoraalka rasmiga ah ee ka soo baxay laamaha kor ku xusan, ka daabaco lilnk-ga hoose.
Halkan ka akhri wareegtada ka soo baxdey laamahan ee taabanaysa dhaqdhaqaaqa General C/laahi Siciid Samatar

SBC NEWS DESK