Dagaalyahanka Taliban ee ka dagaalamaya wadamada Pakistan & Afgaanistaan ayaa baahiyey filim muuqaal ah oo ay ku tooganayaan 16 ka mid ah ciidamada Booliiska Pakistan, iyadoo dhacdadan ay si weyn uga argagaxeen dadka wadanka Pakistan.
Filimka  ayaa waxaa ka muuqanaya askarta oo inta la safay intii aan mid mid loo toogan si saf mar ah loo jeedinayo hadal, iyadoo nin ka mid ah dagaalayahanka Taliban oo cod dheer ku hadalay uu ku eedeyey askarta la laayey inay yihiin cadogw ALLE isla markaana ay tahay in la xasuuqo maadama ay la shaqeeyaan gaalada.
16-kii askari ayaa isla goobtii lagu toogtey, waxaana halkaasi ku soo qamaamay ama ku soo yaacay dadweynaha deegaanka ka dib markii maleeshiyada Taliban ay goobtii ka tageen toogashada ka dib, iyadoo dadka argagax uu ka muuqdo.
Link Video hoose ka daawo filimkan askarta lagu xasuuqayo.

Halkan ka daawo

Yaasin Faradheere
SBC Stockholm