Xafladan ayaa ahayd mid loogu talo galay furitaanka maalmah caafimadka taallalka caruurta waxaana ka soo qayb galay maamulka degmada boosaaso madax ka socotay hayadah W.H.O iyo UNCF sidoo kale waxaa xafladaas goob joog ka ahaa madaxda Wasaarada Caafimaadka Puntlan iyo qaybah kale ee bulshada

Ugu horayntii xafladaas waxaa ka hadlay Siciid Maxamed Waraabe oo ah isu duwe ku xigeenka wasaarada caafimaadka Puntland isagoo sheegay in uu si aad ah ugu hanbalyaynayo umada reer Puntland madaama ay maantay si toos ah uu barnaamijkani uu ugu bilamay dhamaan deeganada Puntland, wax kaloo uu sheegay gar ahaan in gobalka Bari uu maanta ka wada bilaamay talaalka wax uuna hawl wadeenada barnaamijka talaalka ka codsaday in ay si haboon u gutaan waajibka saaran oo ah in ay gaarsiiyan adeega loogu dhiibay dadka loo bahanyahay in la gaarsiiyo,

Sidoo kale wax uu dadwayanaha ka codsaday in ay la shaqeeyan dadka u adegaya ee dantooda wada isgoo u sheegay in ay mantay haystaan firsad aad u mihiim ah loona bahanyahay in ay ka faa’idaystaan

Sidoo kale waxaa isna goobtaas ka hadlay Faarax Cismaan oo ka socday hayada W.H.O isna umada u sheegay in ay manta tahay maalin ay nasiib u heleen loona bahanyahay in ay ka faa.idaystaan isgoo sheegay in walidiintay loga bahanyahay in ay garab istaagan dadka ku walan hawshan danta u ah iyaga ka hayad ahaana ay mar walba ay gar istaagan yihiin

Ugu danbayntii waxaa halkaa ka hadlay ku xigeenka Duqa degmada Boosaaso C/qaadir yuusuf Daahir oo isna sheegay in uu maanta ku faraxsan yahay hawsha ka bilamaysa gobalka Bari iyo guud ahaanba Puntland isagoo sheegay in ay ka maamul ahaan ay raali ka ahayn dadka diida talaalka oo uu  sheegay in ay faa.ido iyaga u tahay loona bahanyahay in ay ka faa.idaystaan oo kaliyah ina mahad ceshan cid walba oo ka shaqaynaysa tallalka

Intaas kadib wax uu gudoomiye ku xigenku ku dhawaaqay in ay maanta si toos ah uu ufurmay talaalka isagoo ilmihii ugu horayay uu dhibicdii ugu horaysay uu isgu gacantiisa ugu shubay

Waxaana barnaamijkan ka wada qay qaadanaya Wasaarada Caafimaadka Puntland iyo hayada W.H,O iyo INCF

DAAWO SAWIRADA







Axmed Maxamuud Axmed
SBC International Boosaaso