Wararka ka imaanaya Dalka Yemen ayaa ku waramaya in qaxootigii ugu badnaa ebid ay gaareen Wadankaasi yemen kuwaasi oo isku jira Soomaali Iyo Ethiopian kuwaasi oo bishii aynu ka soo gudbnay keliya ka dhigaya tirade Yemen gaartay 84,000 oo qof kuwaasi oo ka soo cararay dalalkooda.

Dadka yemen gaaraya ee u badan Soomaalida ayaa waxaa la sheegay inay ka soo cararayaan Xaalada Amaan xumo ee ka jirta qaar ka mid ah Magaalooyinka  dalka soomaaaliya kuwaasi oo ay u sii dheertahay gaajo, iyo Dagaalo aan dhamaad lahayn oo weli ka jira gobolada qaar ee dalka.

Qaxootiga qaar ee ka imaanaya wadanka Ethiopia ayaa waxaa ay sheeganayan inay dalkooda uga soo carareen amaan dari iyo dhaqaalo xumo ku qabsatay dalkood iyaga oo doorbiday inay u tahriibaan wadanka Yemen

Qaramada Midoobay hayada u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in tirade iminka qaxootiga soo galay dalka Yemen ay yihiin Dadkii ugu badnaa ee abid dalkaasi tahriib ku soo gala muddo ku siman bil gudaheed.

Soomaali farabadan ayaa waxaa ay naftooda ku biimeeyaan Badda u dhaxeysa wadama Yemen iyo Soomaaliya iyaga oo inta badan ka filaya inay dalkaasi yemen ka heli doonan xaalad ka duwan tii ay markii hore ka yimaadeen wallow walaaca xilligan dalkaasi ka jira uu yahay mid khatar weyn ay ka jirto sida dil xarig iyo dagaalo u dhaxeeya Dowlada Iyo Mucaardka Yemen.

Maxamed Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com
SBC International Monitoring