Ankara- Wakaalada wararka ee Dalka Turkiga ayaa shaacisay in Ciidamada Xuduudaha ilaaliya ee wadanka Bulgaria ay gacanta ku dhigeen 169 Tahriibayaal African ah kuwaasi oo ay ku jiraan Soomaali.

Ciidamada Amaanka ee Xuduuda Gobolka Edirne ayaa sheegay in Dadka ay qabteen ay ka soo kala jeedaan Soomaaliya, Afghanistan, Eritrea, Myanmar, Iraq, Palestine iyo Congo.

Dadka Tahriib doonka ah oo doonayay inay Qaarada Yurub halkaas uga sii talabaan ayaa haatan waxaa su’aalo lagu weydiinayaa saldhig booliis oo deegaanka lagu qabtay ku yaal.

Ma jirto faahfaahin dheeri oo ka soo baxday dadkan Soomaalida ay ka mid tahay ee ahaa tahriibdoonka.

Caalamka Daafihiisa ayaa Maalin walba waxaa si isku mid ah loogu qabta Muhaajiriin Soomaaliy & African kale iskugu jira kuwaasi oo ka so cararaya Xaaladaha qalafsan ee ka jira Wadamadooda waxayna soo miciin sadaan Dalalka caalamka.

Dadka Tahriibta u gala wadama Qaarada Africa ayaa la kulma Xabsiyo Jirdil iyo dhibaatooyin kale oo loo geysto marka dadkaasi loo aqoonsado inay yihiin Soomaali wallow caalamka intiisa kala uu ixtraam kooban siiyo.

SBC International Monitoring