Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo  Tacsi u diray Eheladii uu ka geeriyooday Alaha u naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Huruuse.

Mudane Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah Siyaasiyiinta sidaweyn loogaga yaqaan Puntland xilal dhowr ahna ka soo qabtay Dowladihii Puntland soo maray ayaa  Tacsi Tiiraanyo leh u diray Bulshada Reer Puntland siiba kuwa magaalada Boosaaso, isagoo ugaga tacsiyadeeyay Alaha u naxariistee Geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Xaaji Maxamed Huruuse oo 31dii bishii May ku geeriyooday Dalka Cumaan

Waxa uu siyaasi Cali Cabdi Awaare sidoo kale u diray Tacsi tiiraanyo leh dhamaan Eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuumka dhaman Reer Huruuse, waxaana uu ugu duceeyay in ilaahey Samir iyo iimaan ka siiyo isagiina Marxuum Maxamed Huruuse Janadii Farsowso ilaahey siiyo.

Wasiirkii hore Ganacsiga Puntland C/samad Abwaan ayaa isna tacsi taas la mid ah u diray Ehelada iyo qaraabada Xaaji Maxamed Huruuse.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga dowlada Puntland Mudane C/samad Yuusuf Maxamed Abwaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Alaha unaxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Huruuse,,

C/samad Yuusuf Maxamed Abwaan oo isna ka mid ah Ganacstada waaweyn Puntland siiba gobolka Bari ayaa sheegay in uu Marxuumku ahaa nin ku weyn ganacsatada gobolka Bari iyo dhamaan dadka gobolka Ugana Tacsiyadeynayo dhamaan reer Gobol bari geerida naxdinta leh ee ku timid .

“Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoyska reer huruuse,anoo uga tacsiyadeynaya geerida kediska ah ee ku timi marxuum Xaaji Maxamed huruuse,waxaan leeyahay Samir Iyo iimaan ilaahay ha inaka siiyo Isagana naxariistii jano ilaahay haka waraabiyo marxuumku wuxuu ahaa shaqsi ala ka cabsi Iyo cibaado suuban lagu yaqaan, ilaahow u naxariiso aamiin” Sidaasi waxaa yiri C/samad yuusuf Maxamed Abwaan,

Dhinaca kale  Waxaa Tacsi nasoo gaarsiiyay Jaalliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Cumaan

Waxaa halkaan Tacisi Tiiraanyoleh uga direeynaa, Marxuun xaaji maxamad oo maanta lagu aasay wadan ka cumaan magalada salalah eheladii iyo qarabadii Meel kastoo ay aduunka ka joogaan Geeridii Naxdinta laheyd ee ku Timid, Haaji Maxamad huruuse . Oo Taariikhdu Markey aheyd 31/05/2013/ ku Geeriyooday Magalada Salalah ee wadan ka Cumaan,

Waxaa Tacsidaan Diraaya Dhaman jaliyada Somaliyeed ee ku dhaqan wadan ka Cumaan .Waxaana Marxuunka illaahay uga baryayanaa in uu Jannatul Farwdowso ka Waraabiyo Xaasaskii, Caruurtii, Qaraabdii, Eheladii, iyo Asxaabtii ,uu ka Geeriyoodayna, Ilaahay Samir, iyo iimaan, ka siiyo amiin amiin amiin.

MAGACYADA DIRAYA

Gudoomiyaha jaaliyada Barkhad sheekeye
Said shabacMaxamud Awjamac
Ismaciil Mahad Xaaji Xasan
Farah Bille Abdala
Bashiir muse bote
Aadan Suudaani
Xabiib Mire said
Mahad Abdulahi deni
Yasiin Jamac Gare
Cumar Abdisalan
Maxamad Faroole
Kaatun Shure Yuusuf
Maxamad Abdisalaan
Ibrahim Said Salah
Salaad Maxamad Xarago
Mukhtaar Shanle
Maxamad Xaaji Dacam
Maxamad Xarago
Said Gaacshe
ismcaiil cali jire
Ahmed Ugaas
Ismciil Axmed Suudhe
Suge hayaan
Said koob laqe
Omar Abdisalaan Warsame
Jamac Issa Xujaale
Maxamuud Shaam
Daahir Omar Casaawe
Xabiib Cumar Jamac
Mire Farah Ali
Jamac Xamari
Ahmed dheere
Mohamad Faarah
Xabiib Ciiise
Kaarshe Cali Haruun
Maxamad Maxamud Kabaweyne
Farah Shekeye
Said Ali Haruun
Ciiise Orshe
Maxamud Haaji Xasan

Runtii ma soo koobi karno magacyada jaaliyada soomliyeed intaas iyo inta dhimanba waxay tacsi udirayaan Marxuum: xaaji Maxamad Huruuse.

Dhamaan Bahda Shabakada BosasoPress waxa ay halkan Tacsi ugaga dirayaan Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamed Huruuse oo 31 May 2013 ku geeriyooday Dalka Cumaan .