Mulkiilaha hay’adda warbaahinta Soomaaliyeed (SBC) Cali Cabdi Awaare, maamulka & dhamaan bahda SBC waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan, qoyskii & ehelkii uu ka geeriyoodey ALLAHA u naxariistee marxuum C/laahi Xaaji Kheyr oo ku geeriyoodey magaalada Harar ee dalka Itoobiya.

Marxuumka wuxuu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaan Soomaaliya & guud ahaan wadamada Geeska Afrika, isagoo sidoo kale deganaa wadanka Zambia, waxaa kaloo uu ahaa soo noqdey wasiirkii dekadaha sanadkii 1997-kii, ka hor intii aan la dhisin maamulka Puntland.

Marxuumka ILAAH ha naxariisto ehelkii & qoyskii uu ka baxayna samir & Iimaan ha ka siiyo.

Aaamin………….Aaamin….INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN.