Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintey 4 kalena dhaawac ayaa ka soo gaarey tacshiirad rasaaseed oo caawa ka dhacdey magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari, taasi oo dhexmartey ciidamada Booliiska Puntland & koox hubaysan oo la sheegayo inay ka mid yihiin burcad badeed.

Tacshiiradan rasaaseed ayaa wararka laga helayo xarumaha caafimaadka waxay sheegayaan in uu ku dhintey nin ka mid ah kooxda hubaysan ee ciidamada Booliiska iska horimaadka la galey, waxaase jira warar sheegaya in askari ka mid ah ciidamada Booliiska uu isaguna geeriyoodey.

Dad ku sugan xaafada iska horimaadku ka dhacay ee Minisaariyo ee magaalada Boosaaso oo codsadey in aan magacooda la xusin sababo xasaasiyada warkani uu leeyahay ayaa SBC u sheegay in ciidamada Booliisku ay isku dayeen inay qabtaan nin lagu tilmaamay in uu yahay burcad badeed markab ganacsi afduub u geysatey.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland & kan gobolka oo la xiriira iska horimaadkan, wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka dambe ee SBC.

SBC News Desk