Tabarkaan oo lagubaranayay wacyigalinta tahriibayaasha iyo xuquul aadanaha ayaa maantay waxaa lagu qabtay magaalda Bosaso kaas oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin kasocota hay,adaha DRC iyo GRT, maamulka gobalka bari,ururada arimaha bulshada, golaha koonsolka dowlada hoose, wasaarada arimaha gudaha,qaybaha kaladuwan ee Police-ka, tabarkaan waxaa sooqabanqaabiyay hay,adaha DRC iyo GRT ku wasoo fulinaayay tabarkaan waxaana qaybka ahaa hay,adakale oo kamidtahayeen UNHCR iyo IOM.

Xasan Shiikh Maxamed waa masuul katirsan hay,ada GRT wuxuu na kawar bixiyay wax yaalaha uu ku saabsan yahay tabarkan ay maantay qobteen iyo waliba mudada uu soconaayo, xasan ayaa na sheegay in tabarkaan uu socon doono mudo sadex cisho ah waxaana uu sheegay in lagu baranaayo dadka tahriibbta ah xuquuqdooda iyo sidii looga hortagilahaa.

Dhanka kale waxaa isagana goobta ka hadlay masuul katirsan hay,ada DRC oo lagu magacaabo Daahir  ayaa sheegay in ay dhibaatooyin badan ay kala kulmaan tahriibayaashu marka ay tahriibayaan islamarkaasna baaritaano ay samayeen ay ku ogaadeen arimahaas inta badan ay tahay mid dhacda loobahaan yahay in laga hortago.

Gudoomoyaha gobalka Bari C/samad Maxed Galan oo isaguna ka hadlay tabarka ayaa sheegay in loobahanyahay tabarada noocaani oo kala ah, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii looga hortagilahaa tahriibta ay ku haligmayaan dad badan oo aan garanayn meesha ay u socdaan.

Siminaarkan ayaa waxaa lagu wadaa in uu socdo mudo sadex cisho ah isagoona lagasamayn doono ra’yi ururin ku aadan sidii looga hortagilahaa arimaha tahriibta.

SAWIRO



Feysal C/laahi Maxamed (Farateeb)
SBC Intenational Boosaaso